Somaliland: Suldaan Ku Tallaabsaday Arrin Aan Looga Baranin Hoggaamiye Dhaqameedyada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Suldaan Ku Tallaabsaday Arrin Aan Looga Baranin Hoggaamiye Dhaqameedyada
April 24, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Madax-dhaqameedku waa lafdhabarta Soomaalida, muddo dheer ayeyna door fiican uga soo jireen talada deegaanada Soomaalida.

Marka ay timaaddo habka loo soo doorto madax-dhaqameedka, inta badan waa arrin la xadhiidha kartida, deeqsinimada, xallinta khilaafaadka iyo difaacida beesha uu matalo.

.

Sifooyinkan hadii aad leedahay ama aad ka hiddo raacayso qoyska aad ka soo jeedo waxaad helaysaa darajada Suldaan, ama hadba magaca xilkaas looga yaqaano deegaanka aad ku noosahay.

Way adag tahay in aqoonta maadiga ah lagu doorto oday-dhaqameedka Soomaalida, horena arrintan loogama baranin dhaqanka Soomaalida.

Suldaan Axmed Maxamuud Cawad, wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacadda Hargeysa, darajada Labaad, wuxuuna ka mid noqonayaa Salaadiinta naadirka ah ee heerka sare ka gaadhay culuunta maadiga.

“Jaamacaddii u horraysay ee aan galay waxay ahayd Lafoole, wakhtigii nabadda, ma dhameysan oo dagaalkii sokeeye ayaa iga hor isataagay, waxaan fursad labaad ka helay dalka Tanzania oo aan ku diyaariyay cilmiga horumarinta”, ayuu yidhi.

Suldaan Axmed waa Aabo 16 caruur ah haysta, wuxuuna dadaal dheer ku bixiyay sidii uu aqoontiisa maadiga ah kor ugu qaadi lahaa, si ay ugu fududaato shaqada Suldaanimada oo u baahan wakhtigan casriga ah aqoon maadi ah.

.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Markii iigu horaysay ee aan ku so biiro fasalka jaamacadda Hargaysa, ardaydii ayaa igu xushmaysay in aan Falsalka ka noqdo horjooge maadama aan ahay Suldaan dhaqankii ayay igu tixgaliyeen sidaas ayaan ku dhamastay waxbarashadii jaamacadda”.

Suldaan Axmed waxaa uu ugu baaqay salaadiinta kale ee Somaliland in ay ku soo biiraan barashada culuunta maadiga ah, oo qayb ka noqon karta xaaladda cusub dunida casriga ah.

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS