Somaliland: Garsooreyaal Caan Ah oo Xilka Laga Qaaday (Digreeto) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Garsooreyaal Caan Ah oo Xilka Laga Qaaday (Digreeto)
April 28, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Somaliland, Gar-yaqaan Aadan Xaaj Cali Axmed, ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Axmed Dalmar Ismaaciil iyo Guddoomiyihii Degmada Hargeysa, Cabdirashiid Beer-geel.

Sidaana waxa lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo soo gaadhay Shabakada Wajaalenews, taasi oo iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid iyo Beddel Guddoomiyeyaal.

Gudddoomiyaha Maxkamadda sare, Markuu arkay Qodobka 107 iyo 108 ee waaxda Garsoorka ee Dastuurka JSL. Markuu arkay Qodobka 31/3 ee xeerka Nidaamka Garsoorka No.3 ee June 1962. Markuu Tixgeliyey, Danta guud ee Cadaaladda.

Sidaasi darteed

Axmed Dalmar Ismaaciil, waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeys, waxaana loo beddelay garsoore Maxkamadda Rafcaanka G/M/jeex ku meel-gaadh ahaan.

Cabdi Qawdhan Cabdi waxa loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ku meel-gaadh ahaan.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa, waxaana loo beddelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ah.

Yaxye Xuseen Yuusuf, waxa loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa ku meel-gaadh ahaan.

Ku: Axmed Dalmar Ismaaciil.

Ku: Cabdirashiid Maxamed Xirsi

Ku: Cabdi Qawdhan Cabdi

Ku: Yaxye Xuseen Yuusuf.

OG: Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka G/M/J

Allaa Mahad Leh

Aadam X. Cali Axmed

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda..”.

Laakiin, Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa diiday Xilka loo Magacaabay ee ah inuu ka mid noqdo Garsooreyaasha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex “Anigu shaqadii Garsoore-nimo ee aan Garsoorka u hayey waan iskaga tagay oo anigaa iskay uga tagay..” ayuu yidhi, Gar-yaqaan Dalmar oo Hargeysa kula hadlayey Warbaahinta.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

 Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS