Kulan Xilka Lagaga Qaadayo Gudoomiye Xuuto oo Ay Isugu Yimaadeen Gudida Boodhka Ururka SOLJA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Xilka Lagaga Qaadayo Gudoomiye Xuuto oo Ay Isugu Yimaadeen Gudida Boodhka Ururka SOLJA
April 29, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Waaxaa Saaka xarunta dhexe ee Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA kulan deg deg ah iskugu yimid guddida boodhka ee Ururka SOLJA kuwaas oo ujeedkoodu ahaa inay xilka ka qaadan Gudoomiyaha ururkaasi islamarkaana ay ku doortan masuulkii bedeli lahaa.

Tirrada xubnaha saaka kulanka isku yimid ayaa ahaa 9 xubnood iyada oo tirrada guud ee Guddida boodhka SOLJA ay tahay 15 xubnood , waxaana uu kooramka shirku ku furmaa 8 xubnood.

Hase-ahaatee Intii aanay  xubnaha guddida SOLJA bilaabin codeyntooda ayaa waxaa xarunta si kadis ah u soo galay odayaal ka tirsan saxafiyiinta Somaliland oo ergo u ahaa Gudoomiye Xuuto iyo sidoo kale masuulyiin ka tirsan Wasaarada Warfaafinta oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta,  waxaana ay codsadeen in hal maalin dib loogu dhigo codeynta xilka qaadistiisa, taas oo ay ka aqbaleen guddidii goobta fadhiday.

Guddida xilkaqadista ku wada Gudoomiye Xuuto ayaa waxaa ay ku eedeynayaan gudoomiyaha hanti Lunsi,  xisaab xidh la,aan, maamul xumo iyo taladii ururka Saxafiyiinta SOLJA oo uu isku koobay.

Guddida Boodhka ee Ururka SOLJA ayaa ah kuwa xaqa u leh inay xilka ka qaadan gudoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS