|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaare Abiy Axmed Oo Magacaabay Wasiiro Cusub.
April 18, 2019 - Written by Editor:Adis Ababa(W,N) Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilal Wasiirro u magacabay shaqsiyaad ay ka mid yihiin siyaasiyiin caan ah oo madaxweynayaal ka soo noqday qaar ka mid ah gobollada dalka Itoobiya. Gedu Andargachew madaxweynihii hore ee Ismaamulka Gobolka Amxaarada ayuu Abiy Ahmed u magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya isaga oo badali doona Workneh Gebeyehu oo noqonaya madaxa xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi. Waxaa kaloo Wasiirka gaashaandhiga dalka Itoobiya loo magacaabay Lemma Megresa oo ahaa Madaxweynihii hore Ismaamulka Oromada. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa dhinaca kale wasiirka Horumarinta iyo Dhismaha loo magacaabay Haweeney lagu magacaabo Eng. Aish Mohammed. Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa durbaba ansixiyay Wasiirradda cusub ee uu magacaabay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed. Related posts:DAAWO: Sheekh Aadan-Siiro Oo Soo Jeediyey Qorshe Kor Loogu Qaadi Karo Waxbarashada Dawliga Ah. Daawo:Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah Oo Munaasibada 18 May Awgeed Hambalyo U Diray Shacabwaynaha ... Halkan Ka Daawo Khudbadii General Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) Ka Jeediyey Xaflad Loo Sameeyay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|