|
|||||
WAJAALE NEWS
Qowsaarku Ha’jiro Geelliisee,Yaanu Kaga Tagin Dhoobiga!
April 8, 2019 - Written by Editor:Somaliland Waa Dad hodan ku ahaa hiddo samida dhaqankeenii suubanaa ee miyiga iyo reer guuraanimada, waxaana laf-dhabar u ahayd dhinaca jiritaanka aassaasska noloshooda, kuna tiirsanaayeen wax-beerista oo ahayd habka soo saarista dhirta aynu ka helno cuntada iyo dhaqashada xoolaha nool Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha, ayey ku sargooyeen habkii ay ku maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, waxaanay ka soo baxeen xoolo-jirka dugsiyadii ugu horeeyey ee ka hirgalay dalkeena. Dugsiyadaas waxa lagu baran jiray, sahaminta, hillaadinta, kaydinta, beerista, dhaqanka, dhaanka, illaalinta, lisida, aroorinta iyo waraabinta xoolaha, dhinaca farsamadana, waxa lagu baran jiray sameynta qabaalka, mooyaha, kalaxa, fandhaalka, udbaha, koorta iyo waranka, haddana, intaas oo kaliya kumay koobnayn wax-barashadoodu, balse, waxa kale oo lagu tababari jiray fardo-fuulka, dabaasha, dhaqanka iyo hab-dhaqanka uu leeyahay gadh-wadeenka reerku. Dhinaca kale, xoolo-dhaqatadu waxay u kala saari jireen xoolo-jirka laba nin oo kala ahaa, sida, qowsaarka oo ahaa ninka geela ka adag, xergeyntooda, illaalintooda, waraabintooda, aroorintooda, foofintooda, maalidooda, daajintooda, caraabintooda, daaweyntooda, baadidoonkooda iyo u kuurgalidooda hadba xaaladdaha ay ku sugan yihiin xooluhu. Halka dabadhoonkuna uu ahaa kurayga caawiya qowsaarka, kaasoo ka adag geel marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, nirgaha ka guristooda iyo ka celintooda, sidoo kalena, qowsaarku marka uu muraadka yeesho xoolaha waxa uu kaga tagi jiray dabadhoonka, laakiinse, dabadhoonku muu wada fulin jirin hawlahaa shaqo ee loo igmaday. Hadaba, marka reerku aanu lahayn labadaa nin midnaba, waxa gadhwadeenka reerku u raadiyaa xoolaha, Dhoobi geela u jira oo uu lacag ku siiyo xergeyntooda, illaalintooda, waraabintooda, aroorintooda, foofintooda, maalidooda, daajintooda, caraabintooda, daaweyntooda, baadidoonkooda, marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, hillaadintooda iyo sahamintooda, balse, dhoobigaasi laga yaabo in uu u daryeelo xoolaha sidii ay u daryeeli jireen qowsaarka iyo dabadhoonku, sababtoo ah, xooluhu maaha xoolihiisii, lexo-jeclo’na kama laha. Marka aynu eegno maanta nidaamka dimuquraaadiyada ku dhisan ee ka jira dunida, waxa jira waxyaabo badan oo ay ku kala duwan yihiin dhinaca xeeladaha siyaasadeed ee ay u isticmaalaan, afkaarta iyo mabaadiida ay aaminsan yihiin, haddana, wax kale oo taasi barbar socota oo wehelisa, in (Qawsaarada) wadamada hore’umaray ee bixiya deeqaha iyo dhaqaalaha maalgashi ee loogu hore’umarinaayo khayraadka dabiiciga ee ay leeyihiin wadamada soo korayaa (dabadhoonada), waxa ay (Qowsaarada) wadamada hore’umaray u wakiishaan wadamo kale (dhoobiyada). Haddaba, waxaan ku soo gunaanadayaa qormadaydan, Jamhuuriyadda Somaliland uma baahna Geel-jiraha dhoobiga ah (Wadamo kale), Laakiinse, Somaliland waxay u baahan tahay in ay geellooda jiraan Qawsaaradu (Wadama Maal-gashigu), haddii kale’se, Waa in ay Somaliland ka noqoto dabadhoon. Qoraa/: Maxamed Faarax Qoti
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|