Qarax Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Soomaaliya
April 28, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)– Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Weydoon ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaa lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamaan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa ka soo ambabaxay dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana goob-joogayaal ay sheegeen in la qarxiyey xilli ay marayeen deegaanka Weeydoow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu sababay dhaawaca ilaa 7 ruux oo Afar ka mid ah lagu sheegay in ahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Halka uu qaraxa ka dhacay waxaa tagay ciidamo ka tirsan dowladda, Soomaaliya iyaga oo mudo daqiiqado ah hakad geliyey isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee deegaanka Weeydoow wallow markii dambe ay dib u fureen.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxan iyo war ka soo baxay saraakiisha ciidamada Soomaaliya intaba.

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS