“Muuse Waa Ka Mid Dadkii Hantida Qaran Iyo Danta Guudi Ku Maqnayd Ee. Ma Ahayn Maanta Inuu Hablo iyo Maato Ka Oohiyo”Maxamed Baashe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muuse Waa Ka Mid Dadkii Hantida Qaran Iyo Danta Guudi Ku Maqnayd Ee. Ma Ahayn Maanta Inuu Hablo iyo Maato Ka Oohiyo”Maxamed Baashe.
April 20, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Qoraa maxamed baashe xaaji xasan ayaa si qiiro leh uga hadlay dhibta iyo awood sheegashada madaxwayne muuse bixi ku hayo qoys uu ku dhulkooda awood ciidan ku dhisanayo

Sidoo kale aqoonyahan maxamed baashe ayaa ka xogwaramay sida xukuumadihii Somaliland ee siilaanyo iyo tan muse biixi ubobeen dhulkii danta guud halka madaxwaynaha wakhtigana uu sheegay in uu qayb ka yahay dadka dantii guud boobay.

Qoraal uu arintanj kaga hadlayo qoraa maxamed baashe oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebooga ayaa dhignaa sidan;

“Hantidii danta guud ahayd mid dhisnayd iyo dhulba ee Ingiriisku ka tegey, dawladihii rayadka iyo tii milateriga ahaana ka nabad gashay ee ay weliba dayactiri jireen, waxa diirtay oo qallaylka ku xagtey xukuumadihii Muuse Biixi ka horreeyey oo tii Axmed Siilaanyo ugu darnayd.

Xukuumadda Muuse Biixina waxa ay u soo dhigatay hantidii shacabku lahaa oo dhulkii bay dadkii lahaa ku haysataa!

Muuse waa ka mid dadkii hantida qaran iyo danta guudi ku maqnayd ee loo tirinayey. Ma ahayn maanta inuu hablo iyo maato ka oohiyo ee waxa ay ahayd inuu isagu iska bilaabo oo wixii ku maqan ee qaranku leeyahay iska soo celiyo, ka dibna ka dabo tago oo soo celiyo hantida badan ee qaranka laga boobay ee qaarkeed raadkeedu sii qoyan yahay.

 

Markaas waxa aan hubaa in uu taagero badan dadweynaha ka heli doono.

Arrin kale

Sheedaha waxa jira dhul qaarna dhisan yahay, qaarna dayran yahay oo lixdan baloodh ah oo uu dadkii lahaa ku haysto nin ganacsade ah oo ay madaxweynaha isku raas yihiin (Ina Ayuub). Maxkamadda ayaa siddeed bilood hadda dhulkaas dacwaddiisu ku jirtaa. Meelo kalena falal kuwan oo kale ah ayaa laga soo sheegay.

Haddii uu kuwan shaadhkiisa xidhan ee dadka ku boobayana uu madaxweynuhu dadka waddo ka mariyo waa arrin kale oo Muuse taageero shacbi ku heli lahaa.

Haddaad adigu tuur leedihiyo tootir iyo qaallo

Tu kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicin! Afqallooc, AHN.

Gacmo aan daahir ahayni nijaas kaama daahirin karaan.

QALINKI; Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

COMMENTS
LINKS