|
|||||
WAJAALE NEWS
Musuq Hadheeyey Guddida Qandaraasyada Qaranka Iyo Su’aalo Badan Oo Ka Taagan Habka Ay Ugu Xaq Sooraan Shirkadaha!
April 14, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)Musuq hadheeyey Guddida Qandaraasyada Qaranka Su’aalo badan ayaa ka taagan habka ay guddida qandaraasyada qaranku ugu xaq sooraan shirkadaha ku tartamaya qandaraasyada ay dawladdu ku bixinayso adeegyada iyo dhismayaasha dawladdu doonayso inay hirgeliso. Sida ay sheegayaan Xogo hoose oo ka soo baxay habka kala xulashada shirkadaha ee Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa su’aalo geliyay nidaamka xaqsoorka ee ay mashaariicda ku bixiyaan. Xogahani ayaa ka dambeeyey soo xoogaystay bishan gudaheeda ka dib markiia ay guddidu qandaraas ku bixiyeen tijaabadda fayaqabka baabuurta oo ay doonaysay wasaaradda Gaadiidka iyo Wadooyinka Somaliland. Qandaraaskani waxa ku tartamay shirkaddo aad u tiro badan oo ka kala tartamay gobolo kala duwan, waxaanay guddidu lixdii bishani aynu ku jirno ku dhawaaqeen shirkadaha ku guulaystay tijaabadda Fayaqabka baabuurta Somaliland. Gudoomiyaha Guddida oo isla maalintaasi ka hadlayay sida ay shirkaduhu ugu kala guulaysteen qandaraaskaasi waxa uu yidhi “Hargeysa galbeedkeeda waxa uu nasiibku siiyay Al-Sharaf Motors, Hargeysa barigeeda waxa ku soo tartamay Hass iyo MOT, waxa uu nasiibku siiyay Hass, MOT waxay ilduuftay Buuggii BOQ-gii ay guddida qandaraasyadu ka qaateen, may soo buux-buuxin, Shaambadna kuma ay soo dhufan oo ay ku guulaysatay Hass Petrouluem, Berbera waxa ku soo tartamay HASS Alpha, TOKYO, waxa uu nasiibku siiyay Alpha Tech, Togdheer, saddexda shirkadood ee ku soo tartamay waxa nasiibku siiyey Dhoore iyo Alnafoore, Sool waxa ku soo tartamay HASS iyo Alpha, waxa nasiibku siiyey HASS, gobolka Sanaag Jokoram cidi kulama ay tartamin sidaasi ayuu ku helay, gobolka Awdal cidi kulama ay tartamin Amal sidaasi ayay ku heshay, wixii cabatin qaba miiska ayaanu fadhinaa, waananu qancinaynaa” Hase yeeshee, marka la eego hadalka Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, waxa ka muuqda mugdi fara badan oo keeni kara shaki la xidhiidha cadaaladnimada xulashada. Tusaale ahaan, marka laga yimaado labada gobol ee Awdal iyo Sanaag oo ay laba shirkadood oo keli ahi u tartameen, gobolka caasimadda ee Maroodi Jeex ayay shirkadaha ugu badani ku tartameen, kuwaasi oo ka badan 10 shirkadood, sida halkani ka muuqata. Inkasta oo adeegga la qabanayaa yahay hubinta badqabka gaadiidka iskaga gooshaya gobolada iyo degmooyinka si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha shilalka gaadiidka oo sannadahani dambe ku soo badanayay Somaliland, haddana shirkadaha ka soo qayb galay waxa ay iskugu jireen kuwo qabta adeegyo kale oo ganacsi, sida soo dejinta qalabka dayactirka baabuurta, shidaalka baabuurta iyo saliidaha iyo waliba kuwo qabta adeega isgaadhsiinta iyo geerashyo qabta farsamadda cilad saarka gaadiidka. Hase yeeshee, inta badan shirkadaha gudoomiyuhu sheegay inay ku guulaysteen hubinta badqabka baabuurta, waxa ku guulaystay shirkado soo dejiyo qalabka dayactirka baabuurta iyo shidaalka iyo saliidaha baabuurta, balse kuma ay guulaysan, amaba way yartahay inta uu ku guulaystay geerash ay shaqo maalmeedkiisu tahay dayactirka baabuurta. Haddaba si aynu wax uga ogaano sida ay shirkadahaasi guddidu u soo xusheen aynu soo qaadano gobolka Maroodi-Jeex ee caasimadda iyo shirkadihii iskugu soo hadhay, kuwaasi oo loo kala qaybiyey bari iyo galbeed. Shirkadaha isku soo hadhay waxay kala ahaayeen sidan HASS iyo MOT oo bariga iskugu soo hadhay, halka ay Galbeedkana isku soo hadheen labada shirkadood ee kala ah AlSharaf iyo Geerash Aw Cali. Bal aynu markale eegno hadalka Gudoomiyaha guddida Qandaraasyada Qaranku markii uu ka hadlayay sida Hargeysa loo kala helay qandaraaskaasi waxa uu yidhi “Hargeysa galbeedkeeda waxa uu nasiibku siiyay Al-Sharaf Motors, Hargeysa barigeeda waxa ku soo tartamay Hass iyo MOT, waxa uu nasiibku siiyay Hass, MOT waxay ilduuftay Buuggii BOQ-gii ee ay guddida qandaraasyada ka qaateen”. Haddii bariga ay shirkadda MOT ilduuftay hab-raacii codsiga qandaraaska, tolow Geerash Aw Cali-na oo ahaa Geerash wadanka ka hawlgelayay muddo ku dhaw 70 sannadood ah, isla markaana ah fayaqabka baabuurta u tijaabiya madaxtooyadda Somaliland ilaa sagaashamaadkii, , , ciidanka bileyska iyo hay’addo badan oo kale oo dalka ka hawlgala, ahna Geerashka ugu facaweyn geyiga Somaliland, laguna yaqaanay inuu ahaa Geerashkii daba guuri jirey SNM ee goob kasta ugu shaqayn jirey gaadiidka halganka xilligii dagaalka lagula jirey Siyaad Barre, isna muxuu ilduufay? Maxaa loo sheegi waayay, sababta oo ah xataa lama sheegin inuu geerashkani ka qayb galay tartanka! Haddaba, su’aalahani oo isku daynay Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada qaranka in aanu weydiino, wuu diiday waxaanu si kooban u yidhi. “Idiinka jawaabi maayo, sababta oo ah xaq baan u leeyahay in aanan idinla hadal”. Marka la eego diidmada uu Gudoomiyuhu diiday inuu su’aalaha warbaahinta ka jawaabo, waxa ay taasi abuuraysaa amaba ay keenaysaa muqdi iyo shaki laga qaado xaqsoorka Guddida Qandaraasyada, taasina ay ka horimanaysaa ujeedooyinka guddida marka horeba loo aasaasay. Dhinaca kale, dadka gorfeeeya habka xaqsoorka ee guddida ayaa sheegay in guddidu aanu xulashadiisa ku salaysayn tayada wanaagsan ee ku haboon hawlgudashada, balse ay tahay uun in ay shirkadaha qandaraasyada ka soo qayb gala ugu xaqsooraan qaab ku dhisan bakhtiyaa-nasiib. Tusaale ahaan Gudoomiyuhu marka uu sheegayo shirkadda ku guulaysatay qandaraaska waxa uu yidhaahdaa “waxa nasiib u heshay (qandaraaska noocaasi ah) shirkad Heblaayo” taasi oo la odhan karo tayo iyo farsamo looma eegee waxa lagu xulaa hab-bakhtiyaa-nasiib ah . “Waxay eegaan uun mulkiilayaasha shirkadaha ka soo qayb gala oo maalinba shirkad is-fahmaan, isla markaana loogu xulo hab bakhtiyaa-nasiib ah, halkii laga eegi lahaa waayo aragnimada, hawlgudashada iyo tayada” Sidaa waxa yidhi Saxafi madax banaan oo ka faaloonayay hawlaha guddidu qabanayaan. Saxafigani waxaa uu daliil uga dhigtay xulashada bakhtiyaa-nasiibka Ee uu sheegay Marka la isku soo xooriyo, waxa la odhan karaa, arrimahani waxay muujinayaan musuq hadheeyey Guddida Qandaraasyada Qaranka, haddii aanay jawaabo waafi ah ka bixin arrimahani. SAXAFI MADAX BANAAN MAXAMED CUMAR HARGEISA SOMALILAND WAJAALENEWS DESK COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|