Mo Faarax oo Guuldarro Weyn La Kulmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mo Faarax oo Guuldarro Weyn La Kulmay
April 28, 2019 - Written by Reporter:

London (WJN)– Orodyahanka Maxamed Faraax oo u tartamayay Maratoonka London ayaa galay kaalinta shanaad, waxaana orodkaasi ku guulaystay Eliud Kipchoge oo Kenya u dhashay.

Kipchoge oo 34 jir ah, sanadkii horena rikoodh cusub u dhigay Maradoonka Berlin, ayaa ku orday laba saac laba daqiiqo iyo 38 ilbidhiqsi.

Mosinet Geremew iyo Mule Wasihun oo labaduba Itoobiyaan ah ayaa galay kaalimaha labaad iyo saddexaad ee Maradoonka London.

Inkastoo Maxamed Faarax lagaga guulaystay orodkaasi, ayaa haddana wakhtiga uu ku orday oo ahaa laba saac shan daqiiqo iyo 39 ilbidhiqsi waxa uu ahaa kii labaad ee ugu dhakhsaha badnaa ee uu ku ordo qof British ah.

“Si aad u wanaagsan ayaa ku billaabay orodka, ujeedkeyguna waxa uu ahaa inaan daba socdo qofka ugu horreeya, balse 20 mayl kadib ayuu iga baxsaday, wayna igu adkaatay inaan soo qabto,” ayuu yidhi Maxamed Faarax oo ku hambalyeeyay Eliud.

Maxamed Faarax oo ah orodyahanka ugu billado guulaysiga badan taariikhda Britain ayaa dhawaan u wareegay dhanka orodka dheer ee loo yaqaan Maratoonka.

Mo Faarax oo sheegay in qalab laga xaday

Maxamed Faarax ayaa dhawaan sheegay in qalab muhiim ah lagaga xaday dalka Itoobiya halkaas oo uu deganaa hoteel uu leeyahay orodyahankii hore Haile Gebrselassie .

Labada orodyahan ee caanka ah ee afarta jeer qaaday koobka orodada ciyaaraha olimbikada adduunka, Mo Faarax iyo Haile Gebrselassie ayuu dhexmaray muran xoog badan oo la xidhiidha xatooyo ka dhacday hoteel Addis Ababa ku yaala.

Mo Faarax ayaa sheegay in qolkii uu ka degenaa hoteel uu leeyahay Haile lagaga xaday lacag, laba taleefoon iyo saacad qaali ah, islamarkaasna uu arrintaas wax ka qaban waayay Haile.

“Aad ayaan uga niyadjabay Haile” ayuu war qoraal ah ku yidhi Mo Faarax, balse Haile ayaa dhankiisa Mo ku eedeeyay in uu wado magac dil.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

 Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS