Maxay Tahay Sababta Ay Diblumaasiyiin Badan Oo Heer Caalami ah Ugu Sii Qulqulayaan Somaliland?Warbixin; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Tahay Sababta Ay Diblumaasiyiin Badan Oo Heer Caalami ah Ugu Sii Qulqulayaan Somaliland?Warbixin;
April 9, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W.N)-Magaalada Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad ugu badnaa socdaalka ay ku tagayaan diblumaasiyiin iyo siyaasiyiin heerkoodu sarreeyo oo ka kala socday dalal iyo hay’ado kala duwan.

Waxaana siyaasiyiintaas socdaallada kala duwan ku tagay Caasimada Hargaysa Ee Jsl Waxaa kamid ah, Xoghayaha difaaca ee Ingiriiska Gavin Williamson, oo 6-dii 01/2019 ee sanadkan booqasho ku ku yimid Hargeysa isagoo halkaas wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wadahadallada Gavin Williamson, uu la yeeshay madaxda Somaliland ayaa xoogga lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac.

Dhanka kale waxaa 19-kii Maarso booqasho taas lamid ah Magaalada Hargeysa ku tagay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Osman Saleh.

Wafdiga wasiirka oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa ayaa wadahallo halkaas kula yeeshay Madaxweyne Muuse iyo xubno ka tirsan goleyaasha xukuumadda iyo baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale socdaallo kuwaas lamid ah Caasimada jsl ee Hargeysa ku tagay saraakiil kala duwan oo ka socday Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Hay’ado kale oo calaami ah, ayadoo ay halkaas booqdeen danjireyaal kala duwan oo caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo dawladaha kale ee gobolka.

4-tii April, ayaa waxaa Somaliland tagay danjireyaal matalayey dalalka Denmark, Midowga Yurub, Finland, Norway, Sweden, Switzerland iyo Boqortooyada Ingiriiska kuwaas oo kulamo la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Xisbiyada mucaaradka ah, baarlamaanka, guddiga doorashooyinka iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in uu dhawaan halkaas tago Donald Yamamoto, oo ah Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya.

Haddaba dad badan ayaa iswaydiinaya sababta ay diblumaasiyiintan faraha badan ugu qulqulayaan Somaliland?

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in u jeedadda ka dambaysa socdaalka diblumaasiyiintaas ay ku tagayaan Somaliland ay tahay Saddex Arrimood oo sare u qaaday Muhiimadda Somaliland ee gobolka:

  1. Doorashooyinka Somaliland!

Doorashooyinka goleyaasha deegaanada iyo tan wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu waday in ay qabsoomaan 19-kii maarso ee sanadkan arrintaas oo dib u dhac uu ku yimid.

Doorashada goleyaasha deegaanada ayaa dib u dhacay ayadoo aan loo jaan goyn xilli ay qabsoomi doonaan isla makaasna aan loo samayn wax muddo kordhin ah, halka golaha guurtidu ay golaha wakiiladda waqtiga u kordhiyeen oo ay ugu dareen 10 bilood.

Dib u dhaca doorashooyinka ayaa waxaa sabab looga dhigay muran u dhexeeya axsaabta siyaasadda oo isku maandhaafsan guddiga qabanaya doorashooyinka.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in aanay kalsooni ku qabin guddiga doorashooyinka oo aanay ku qanacsanayn doorasho ay guddidaasi maamulayso, halka xisbiga talada haya ee Kulmiye uu sheegay in guddidaas ay kalsooni ku qabaan oo ay si wanaagsan usoo maamuleen doorashadii madaxtinimada.

Si kastaba ha haatee ismari waaga axsaabta siyaasadda ee Somaliland ee dhanka doorshooyinka ayaa keenay dalal badan iyo hay’ado caalami ah oo daneeya hannaanka dimuquraadiyadda ee Soomaliland in ay tagaan Hargeysa.

Dalal badan oo ay ugu horreeyaan kuwa Midowga Yurub iyo hay’ado caalami ah ayaa dhaqaale badan ku bixiya hannaanka dimuquraadiyadda ee Soomaliland, waana mid kamid ah ujeedooyinka ay diblumaasiyiin fara badan oo kala duwan ay halkaas ugu sii qulqulayaan.

2; Wada-hadallada Somalia iyo Somliland

Dalal badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya oo Turkigu uu kamid yahay ayaa isku dayaya in ay qayb ka qaataan wadahaddalada u dhexeeya Dawladda Somalia iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Labada dhinac ayaa dhowr jeer oo hore wadahallo ku yeeshay dalalka Jabuuti iyo Turkiga ayadoo aysan wada xaajood yadaas ka soo bixin heshiis wax ku ool ah.

Labada dhinac ayaa doonayo in ay sii wadaan wada-hadallada ayadoo dal saddexaad uu u kala dab qaadayo si loo gaadho heshiis midho dhal ah.

Dalalka sida wayn u danaynaya ayaa waxaa kamid ah Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya, ayadoo dhawaan uu Raysul wasaaraha dalkaas sheegay in uu doonayo in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac.

Arrintan oo ah mid ay dalal badan oo caalamka ah danaynayaan ayaa ah mid kamid ah u jeedooyinka ay siyaasiyiin badani u tagayaan magaalada somaliland.

  1. Isbaddalka ka dhacay Geeska Afrika

Isbaddalkii ka dhacay Itoobiya iyo heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eretria ayaa horseeday isu soo dhawaansho dhanka gobolka ah.

Dhowr jeer oo hore ayaa kulamo kala duwani waxay dhex mareen Madaxda Itoobiya, Ertria iyo Soomaaliya, kuwaas oo kulamadoodaas kasoo saaray qodobo ay kamid yihiin iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha.

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhawaan socdaal ku tagay Magaalada Addis Ababa asagoo halkaas wadahadal kula yeeshay Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Marka la isku soo daro isu soo dhawaanshaha iyo kulamada ay yeesheen madaxda Itoobiya, Eretria iyo Soomaliya, iyo Socdaalkii Wasiirka arrimaha dibadda Eretria iyo sidoo kale socdaalkii Muuse Biixi uu ku tagay Addis Ababa ayaa ah caalamad muujinaysa in isbaddalaadasi ay saamayn ku yeesheen wada-hadalka u dhexeeya Somaliya iyo Somaliland.

SOURCE BBC

 

 

COMMENTS
LINKS