Maxaa Sababay Dhimashada Tiro Xayawaanka Jeerta Ah Ee Dalka Itoobiya? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Sababay Dhimashada Tiro Xayawaanka Jeerta Ah Ee Dalka Itoobiya?
April 23, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Saraakiil ku sugan dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay dhimashada 28 kamid ah xayawaanka Jeerta oo ku noolaa seeraha qaran ee Gibe Sheleko ee dhaca koonfur galbeed ee dalkaasi.

Waxaa looga shakisan yahay in dhimashada ay horseeday cudur halkaasi ka dillaacay balse saraakiisha waxay sheegeen inay badhayaan dhimashada Jeerta.

Waxaa la sheegay in tiradan Jeerta ay dhinteen intii u dhexeeysay 14-ka bishan April ilaa 21-ka bishan April.

Sannadkii 2017-kii, boqol kamid ah xayawaanka Jeerta ayaa u dhintay cudur ka dilaacay seeraha qaran ee dalka Namibia.

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS