Maxaa ka Jira In Xubno Kamid ah Xukuumada Jsl Iyo Shaqsiyaad kale Ay Qayb ka Yihiin Qorshaha Jabuuti Ku Doonayso Gacan Galinta Ganacsade Axmed Geele? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa ka Jira In Xubno Kamid ah Xukuumada Jsl Iyo Shaqsiyaad kale Ay Qayb ka Yihiin Qorshaha Jabuuti Ku Doonayso Gacan Galinta Ganacsade Axmed Geele?
April 1, 2019 - Written by Editor:

Xubno Katirsan Xukuumada Jsl Oo lala Xidhiidhiyay In Jabuuti Ay kala Shaqaynayeen Qorshaha Ganacsade Axmed Geele, Loogu Gacan Galinayo!

HARGAYSA(W,N) Madax Dhaqameedka Beesha Arab Oo shalay Warbaahinta La hadlay   ayaa si kulu Ucanbaareeyay qorshe xukuumada jabuuti ka dalbatay Somaliland oo loogu gacan galinayay gganacsade reer somaliland, sidoo kale salaadiyiinta ayaa shaaciyay in  masuuliyiin kamida xukuumada Somaliland oo ku hawlan  shirqoolka la doonayo in dawlada jabuuti loogu gacan galiyo ganacsade axmed cismaan geele oo kamida ganacsatada jabuuti iyo Somaliland balse dhawaan dawlada jabuuti hantidiisii uu ku lahaa dalka jabuuti ay sifo sharciga baalmarsan kula wareegtay halka uu ganacsade axmed geelena xiligan ku sugan yahay Somaliland.

Qorshahan dawlada jabuuti ku doonayso in ganacsadaha loogu gacan galiyo islamarkaana hantida uu somaliland ku leeyahay dacwad ka dhan ah looga furmo maxkamadaha Somaliland.

Hadaba Xogaha laga helayo shirqoolka dalka  jabuuti looga soo maleegay ganacsade Axmed Geele ayaa wararka kala duwan ee soo baxayaa waxay tibaaxeen in xubno kamida ah masuuliyiinta wasaarada Arimaha Dibada iyo saraalka katirsan  wasaarada maaliyada   hore maamule uga soo noqday  kastamka Saylac ay hormood ka ahaa qorshahan ku Aadan ganacsade axmed geele

Dhanka kale  xogahan   ayaa intaa ku daray in arinta ganacsade axmed ee ku saabsan gudaha Somaliland talaabooyinka laga qaadayo oo sida la sheegay ay jilayaal ka yihiin Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada iyo saraalka wasaarada maaliyada  oo qayb ka ah xidhiidhka qorshahan ee jabuuti iyo Somaliland,

Halka wararka qaarna ka tibaaxeen in qorsha jabuuti ku doonayso gacan galinta ganacsadaha ay ka dalbadeen Somaliland in usoo gudbiyo wasiirka arimaha gudaha oo dhawaan safar ku tagay jabuuti.

Wallow aanay arintani aan si cad loo shaacin taasi oo hadii ay banaanka usoo baxdo noqonaysa dambi qaranka laga galay iyo masuliyadiisii oo dalka shisheeya looga faa,iideeyay halka salaadiyiinta shalay u hadlayay ganacsade axmed geele ay sheegeen in qorshaha lagu mu maamuradayno ganacsadaha ay wadaan fulinitiisa dhalinyaro qaarkood xilalka hayaan xukuumada iyagoo cidkasta oo ku hawlan qorshahan fariin culus hawada umariyay.

Dastuurka Somaliland ayaa kasoo horjeeda in muwaadin u dhashay Somaliland aan loo gacan galin Karin wadamo shisheeye, sidoo  kale majiro wax heshiis ah oo Somaliland iyo jabuuti uga yaala in ay isku soo dhiibaan shacabka iyo ganacsade xurgufi ka dhaxayso labada dawladood midkood.

Sikastaba ha ahaatee arinta kasoo baxday dalka jabuuti ee lagu doonayay in loogu dhiibo ganacsade Axmed geele ayaa horseedi karta colaad  shacabka Somaliland iyo nac ay uhayaan dawlada jabuuti iyadoo hore ay udhacday in muwaadin reer Somaliland loogu gacan galiyay jabuuti kaasi oo mudo dhawr sano ah laga joogo wakhtigii ladhiibay, halkan aan  wakhti xaadirkana nolol iyo geeri midna lagu ogayn taasi dhaawac wayn ku noqotay Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS