|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland,Oo Hambalyo U Diray Hoggaanka Cusub Ee Loo Doortay Xisbiga Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya!
April 3, 2019 - Written by Editor:Hargeysa–(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed oo qabsaday shirkii 10aad oo ay ku doorteen hoggaan cusub ee Xisbiga SDP. Waxaanu Madaxweynuhu ku hambalyeynayaa guusha ay ka gaadheen shirweynihii 10aad ee xisbiga kuna doorteen gudoomiyaha xisbigaasi, mudane Axmed Shide iyo gudoomiye ku xigeenkiisa, mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo xubnaha kale ee xisbigaaasi. Madxweynuhu wuxuu ku bogaadinayaa dawladda federaalka itoobiya iyo xisbiga talada dalkaasi gacanta ku haya ee EPRDF, ee uu qaybta ka yahay xisbiga SDP sida dimuqraadiyada iyo bisaylka xisbinnimo ka muuqato ee uu ugu dhamaaday shirkaasi, taasoo ka turjumaysa talo wadaaga, kala danbaynta iyo jiritaanka xisbinimo ee geeska afrika, waxaanu madaxweynuhu si gaara ugu hambalyaynayaa horumarka iyo guusha xisbiga dawlad deegaanka Soomaalida ee SDP uu ka gaadhay doorashadaasi. Isagoo madxweynuhu u rajeeyey gudoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka iyo xubnaha kaleba in Alle u fudaydiyo hawlaha xisbiga Dawlad deegaanka Soomaalida oo aynu wadaagno xidhiidh soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo, deris wanaag iskaashi, ganacsi iyo isu socodka labada bulsho ee walaalaha ah. Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa horumarka dimuquraadiyada xisbiyada ee ay ku tallaabsatay Dawladda federaalka Itoobiya, gaar ahaan kan deegaanka Soomaalida. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Oo Ka Hadlay Sida Ay Ganacsatadu Ugu Tacadiyaan Sh... Wasiirka Madaxtooyada OoXabsiga u Taxaabay Muwaadin Aragtigiisa ka Dhiibtay Maamul Xumada Dalka Hays... DAAWO;-Qaabkii Ay Ciidamada Dab Damisku Udamiyeen Dab Habeenkii Xalay Ka Kacay Meherad Ganacsiga Oo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|