Madaxweynaha Puntland Oo Ka hadlay Heshiiska DP WORLD EE DEKEDA BOOSAASO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Puntland Oo Ka hadlay Heshiiska DP WORLD EE DEKEDA BOOSAASO
April 6, 2019 - Written by Editor:


Garoowe(W.N):-Madaxweynaha maamulka Puntland ee soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa soo bandhigay go’aan uu ka qaatay heshiis uu madaxweynihii ka horeeyey la galay shirkada DP World ee laga leeyahay dalka imaaraadka.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay inuu ixtiraamayo heshiiska lala galay shirkada DP World ee ay ku maamusho dekeda magaalada Boosaaso iyo heshiisyada kale ee dawliga ah ee ay gashay xukuumadii ka horaysay ee maamulka Puntland.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay jiraan gaabis ka muuqda heshiiskii lala galay shirkada DP World, isaga oo carab ku dhuftay in xukuumadiisu diyaar u tahay inay saxdo wixii gaabiska keenay.

Madaxweyne Siciid Deni oo la hadlayey dadweynaha magaalada Boosaaso ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Heshiiska DP World wuu naga horeeyey waanan ixtiraamaynaa heshiiskaas iyo kuwa kale ee dawliga ah ee ay galeen dawladihii hore ee maamulku waayo masuuliyiintaas hore waxay nagu ixtiraameenin markii laga badiyey doorashooyinka ay si nabad galyo ah ku wareejiyaan xilka, anaga oo taas eegayna waxaanu balan ku qaadaynaa inaanu ilaalino wixii heshiisyo ah ee ay galeen.”

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Puntland waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay u furan tahay inay wax ka badal ku samayn karto heshiisyada ay u aragto inay wax ka dhiman yihiin “Dawlada maamulka Puntland waxa u furan runtii in heshiis kasta oo ay u aragto in wax ka dhiman yihiin ama wax dheeraad ku yihiin in laga hadlo oo laga doodo oo ay wax ka saxdo, waxaana suuragal ah inay burin karto heshiiska ay u aragto inaanu dhamaystirnayn.”

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale cadeeyey inuu kulan la qaadanayo cid kasta oo dawladii hore ay heshiis la gashay isla markaana uu soo bandhigi doono wixii ay isla gartaan, waxaanu yidhi “Waxaanu la kulmaynaa cidii aanu heshiisyada la galnay mana rabo inaan ka hor dhaco ilaa aanu is aragno oo aanu isla aragno ciladaha uu yeelan karo heshiiska la galay.”

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale ka waramay gaabisyo uu sheegay inay ku jiraan heshiisyadii dekeda ee ay gashay xukuumadii ka horaysay, waxaanu ku adkaystay inay sixi doonaan wixii keenay gaabiska.

COMMENTS
LINKS