Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Sheegay In Mustaqbalka Soomaaliya Uu Halis Ku Jiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Sheegay In Mustaqbalka Soomaaliya Uu Halis Ku Jiro
April 28, 2019 - Written by Reporter:

Garoowe (WJN)– Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu halis ku yahay mustaqbalka Soomaaliya.

Waxa uu ka hadlayay magaalada Garowe halkaas oo uu muddaba uga maqnaa safarro uu ku marayay dalalka dibadda.

Siciid Deni ayaa sheegay in intii uu safarrada shaqo ku jiray uu magaalada Nairobi kula kulmay madexweyneyaasha maamul gobolleedada Jubbaland iyo Galmudug, kuwaas oo ay ka wadahadleen waxa uu ku sheegay wadashaqayn la’aanta muuqata ee dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

“Waxaannu ka wadahadalnay arrimaha Soomaaliya iyo cakirnaanta ka jirta laga soo bilaabo bishii sagaalaad ee 2018, markaas oo shirarkii joogtada ahaa ee u qabsoomi jiray dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo baaqday, sidii waxa jira iyo aragtiyaha la kala qabo la iskugu soo dhaweyn lahaa, aragti cadna laga qaadan lahaa,” ayuu Deni yidhi.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dhanka kale sheegay in madaxda dalalka uu la kulmay ay walaac ka muujiyeen wadashaqeyn la’aanta ka dhex jirta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Siciid Cabdillaahi Deni,

“Runtii dowladaha aan la kulannay ruuxaddooda aad bay waxay walwal uga qabeen wadashaqeyn la’aanta muuqata ee ka dhex jirta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyo dowladda federaalka ah taas oo mugdi galinaysa mustaqbalka dalka Soomaaliya iyo meesha uu ku socdo.”

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda federaalka ah in ay gacan bidixaynayso dastuurka iyo nidaamkii lagu heshiiyey, taasina ay tahay arrin khatarteeda leh.

“Sida dad badan oo Soomaali ah ay walwal ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya meesha ay ku socoto ayaa Puntland-na waxa ay walwal ka qabtaa habka wadashaqeynta iyo dalka sida loo maamulayo,”

Deni ayaa intaas sii raaciyay “Runtii khataraha ugu weyn ee ay maamulka Puntland dareemayso waxaa ka mid ah in nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay la gacan bidixaynayo oo wadadii loo baahnaa aanu ku socon, waxaa nooga muuqata khatar abuuri karta in nidaamka siyaasiga ah ee hadda jira uu caqabad aan hadhow la xallin karin yeesho.”

Waxaa kale oo uu madaxweynaha maamulka Puntland dhaliilay habka uu sheegay in lagu magacaabay guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay inuu ahaa mid baal marsan qaabka wax qaybsiga beelaha ee Soomaaliya ku heshiisay, xaqna ay u leeyihiin jagadaa inuu qabto qof maamulka Puntland ka soo jeedaa.

“Waxaan dhaliil wayn ka qabnay sida loo maareeyay gudoomiyihii Bangigii Dhexe ee Soomaaliya oo runtii ah xadgudub habka nidaamka wax qeybsiga muuqda, oo haddana [hannaan] aad u khaldan oo muuqda lagu sameeyay.”

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

 Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS