|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka
April 8, 2019 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya. Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. — Related posts:DAAWO;Ujeedada Shir Lagaga Hadlayey Adkaynta Iyo Xoojinta Amaanka Labada Dal Ee Etoobiya Iyo Som... Qaar Kamida Odayaasha Beesha Bariga Burco Oo Ka Dareen Celiyey Falalkii Foosha Xumaa Ee Dhacay Burco... Dhagayso Barnaamijkii Xiisaha Badnaa Ee Fanka Iyo Suugaanta Oo Todobaadkan Aydin Ku Maqli Doontaan W... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|