Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya, Kuna Celiya Mawqifka Xisbiga Ee Doorashada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya, Kuna Celiya Mawqifka Xisbiga Ee Doorashada
April 30, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay ku heshiiyeen inay galaan doorasho aanu ku jirin WADDANI, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlayaa “Waxaad ka war qabtaan in Laba Xisbi ay Qol Madow isla galeen oo ay yidhaahdeen Annaga ayaa doorasho qabsanayna, arrintaasi waa Riyo Maalmeed aan sinaba Somaliland uga hirgalaynin.”.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay “Ninka leh Doorasho ayaan keligay qabanayaa ee Qoriga dabka leh kula dhex wareegaya ee Maalinba doonaya inuu meel ku dhejiyo inuu yahay Wasiirkii ka masuulka ahaa Amniga Qaranka, kaasi ayaa leh doorasho ayaan laba Xisbi u qabanayaa, arrintaasi sharcina maaha, Caqlina maaha. Waxaanu ka digaynaa arrintaa sii wadisteeda, waayo? Waxaad ka war-qabtaan in labada Xisbi (UCID iyo KULMIYE) ay Komiishanka ku meeraysanayaan, in Madaxweynuhu uu Komiishanka u yeedhayo, in labada Xisbi ay tagayaan Baarlamaanka..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweynihii aynu Qarankan u dooranay inuu hoggaamiyo inuu dalka mideeyo uu ka door-biday inuu Bulshada qayb ka mid ah uu madaxweyne u noqdo. Haddii Madaxweynihii Qaranku inuu Qarankan Madaxweyne u noqdo ka door-biday inuu Kulmiye iyo UCID uu Madaxweyne u noqdo, dalka intiisa kale Madaxweyne La’aan mayso, hadduu Madaxweynuhu go’aansaday inuu Kulmiye iyo UCID u qabto doorasho inta kalena doorasho la’aan mayso..”.

Guddoomiye Cirro wuxuu sheegay in Madaxweynuhu door-biday inuu doorasho u qabto UCID iyo KULMIYE, laakiin qodobkaasi kuma jirin heshiiskii ay dhawaan kala saxeexdeen UCID iyo KULMIYE.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS