|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Biixi Oo Masuul Cusub Magacaabay
April 6, 2019 - Written by Editor:
WAREEGTO MADAXWEYNE: 06 /04/2019 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-292/042019 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Dr. Luul Jirde Xuseen Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan uga mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Related posts: Xisbiga UCID Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Digniintii Gudida Diiwaangelinta Qaranka Somaliland Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Diidmada Habraaca Doorashada Somaliya Ee Musharixiinta Mucaarid... “210 Mobil Ayaanu Ka Qaaday Ardaydii Ufadhiisatay Imtixaanka, Waxaananu Ku Wareejinay Ciidamada”Wasi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|