|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoysaska Taliyihii Iyo Taliye Kuxigeenka Degmada Gar Adag Oo Dablay Hubaysani Jidgooyo Ku Dileen.
April 29, 2019 - Written by Editor:“Madaxweynuhu Waxa Uu Laamaha Amniga ku Amrayaa Inay Gacanta ku Soo Dhigaan Gacan ku Dhiiglayaashii Gaystay fal Denbiyeedkaasi”29/04/2019 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-
Saraakiishaas oo ay galabta dablay xubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag Uduray Xil Naasir C. Shire Oo Hadalo Deel Qaaf Ah Kula Dul Dhacay Asta... Qaar Ka Mida Dhalinyarada Reer Gabiley Oo Qabtay Xaflad Lagaga Soo Horjeedo Go’aankii Gudida HorUmar... DAAWO; Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo La layeeshay Siyaasi Cali Guray Iyo Cida Uu Ku Eedeeyay D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|