“Ma Taageersani Gaadhiga Gudoomiyaha Waddani Ee Jidka Laga Qafaashay, Waa Dhacdo Si ka Haboon Loo Geli Karayay”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma Taageersani Gaadhiga Gudoomiyaha Waddani Ee Jidka Laga Qafaashay, Waa Dhacdo Si ka Haboon Loo Geli Karayay”Cali Guray.
April 8, 2019 - Written by Editor:

Waxa iigu dambaysay iyadoo xisbi kasta laba sadex askari oo Bilays ah la siiyo. Faysal Cali Waraabe laba askari oo mid gurigiisa joogo midna isaga ilaalin jiray ayuu lahaa. Hadda waxa laga hadlayaa 15 askari oo Gudoomiyaha WADDANI la siiyay kolay kuwa kalena dee waa la mid. Dirayska Taliska Ciidanka oo keliya ayuun baa siin kara. 45 askari way ku badan yihiin sadexda xisbi ilayn amniga guud waxa masuul ka ah xoogagga iyo haya’daha amniga eh. Askari milatari ah waa ka xaaraan inu xisbi joogo waayo waxa loogu talogalay difaaca qaranka.

Hadda wax waliba way isku yaaceen sharcina looma joojiyo ee waa jaantaa rogan qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay isaga ayaa isa siinaya waxanu ku cabanayaa inta badan wax aanu xaq u lahayn.

Waa xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay dawladda ayaana ka masuul ah nabadgelyadiisa Gudoomiye Cirro-na waa xaq uu leeyahay oo dastuurka ayaa u damaanad qaaday laakiin isagu ma goosan karo tirada ciidanka ilaalinaya wuxu kala siman yahay gudoomiyayaasha xisbiyada.. MBC marka uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye yahay iyo marka uu Madaxwaynaha Qaranka yahay waa kala laba waana kala xuquuq. Marka uu yahay Gudoomiyaha gudoomiyayaasha kale ayuun buu la mid yahay midna caaro ma dheera.

Laakiin marka uu yahay Madaxwaynaha Qaranka waa masuulka 1aad waxanu leeyahay xuquuqo iyo awoodo dheeraad ah oo dastuurku siinayo mana aha la mid Gudoomiye Xisbi ee sidaa ha u fahmo Afhayeenka WADDANI

Hadda Ma Taageersani gaadhiga Gudoomiyaha Waddan ee la yidhi jidka ayaa laga qafaashay. Taasi waa dhacdo si ka haboon loo geli karayay oo waan Qirsanahay laakiin in xisbi kastaa 15 xubnood oo bilaysa gaar u yeesho ayaanan waafaqsanayn.

 

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

 

COMMENTS
LINKS