|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ma Hayno Wax Waaran Ah oo Loo Jaray Ganacsade Axmed Geele”.Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland
April 2, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadley arinta Ganacsade Axmed Cismaan geele iyo dawlada Jabuuti. Sidoo kale Wasiirka ayaa beeniyey wararka sheegay in la jaray Waaran qabasho ah oo ganacsade Axmed Cismaan Geele lagu xidhayo waxaana uu sheegay Wasiirku in aanu ogayn ilaa hada wax waaran qabasho ah oo loo jaray ganacsade Axmed Geele . Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, ayaa ka hadlay qabsoomida doorashada Wakiilada iyo Golaha Deegaanka Somaliland, kaas oo sheegay in doorashadu ay wakhtigii loo mideeyey ay ku qabsoomi doonto. Dhinaca kale Wasiirka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay kulan maalmihii u dambeeyey magaalada Hargeysa uga socday xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbul Xaakimka Kulmiye. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Wasiir Caddami Oo Sheegay In Guulo Laga Gaadhay Xiisadda Awdal iyo Madaxweyne Xigeenka Oo Ka Soo Laa... Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Hab Casri Ah Oo Waxka Taraya Is Qabsiga Dh... Ergooyin Ka Socda Laascaanood iyo Buuhoodle oo u Anba Baxay Deegaankii Dirirtu Ku Dhexmartay Labada ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|