Kulankii Ee Aniga Iyo Cabdishakuur Cidin+Badhasaabka Iyo Jawaabtii Maayarka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulankii Ee Aniga Iyo Cabdishakuur Cidin+Badhasaabka Iyo Jawaabtii Maayarka!
April 15, 2019 - Written by Editor:

Muddo 13-maalmood ah waxa Qoraaladii iga joojiyey waa Laptop-kii oo la iga xaday, halkii iskugu keen dambaysay oo ahayd kulankii aniga iyo Maayar C/shakuur ee Hotel Maansoor Berbera oo ku xusnaa Qoraalkaygii April 2, 2019 at 1:02 PM aan Facebook-ga soo dhigay halkaas ayaan kasii amba qaadayaa, waana KULANKII 03/04/2019 oo u dhacay sidan:

Subaxnimadii ayaa waxaan tegay Hotel Maansoor, waxaanan la kulmay DUQII BERBERA ee aanu balansanayn oo xiligaas meel koone ah la fadhiya laba Qof oo Reer Berbera ah, Salaan kadib

DUQII: “Maxamed walaal toban daqiiqo isug aan Odayashan hadalka u dhameeyee”

ANIGA: waa yahay Maayar, dabadeed waxaan iska fadhiistay Miis ay Fadhiyaan Dhawr Xildhibaan oo Degmada Gobolka Gebilay ah, kuwaas oo Facebook-ga kala socday oo arrinkaygu halkuu marayo wax iga weydiiyey, iyadoo si guud mar ah aan u dulmaray una sheegay in kulankan manta ee Aniga iyo DUQ Ciddin uu yahay arrinkii. Daqiiqado kadib waxa ila hadlay Maayarkii:

DUQII: “Maxamed ina keen halkaas aynu fadhiisano ee Kursi soo qaado”

ANIGA: Waayahay Maayar. Dabadeed Aniga iyo DUQII ayaa meel cidlo ah oo durugsan dhiganay kuraasidii, hadalkii na dhex marayna wuxuu u dhacay sidan:-

DUQII: “Meeday Jabhadnimadii aad Sheegatay?”

ANIGA: Maayar Arrintaasi waa wax aanan ku dhici karine kasoco oo inoo guda gal Arrinkii;

DUQII: “Horta Dawlad ayaad is-haysateene aniga Maxaa ii Kaa keenay ee aad igu maagtay”’

ANIGA: oo waa kusidee, Adigu miyaanad ahayn DAWLADDII; MIYAANAD AHAYN DUQII DEGMADA, MIYAANAD AHAYN MADAXII DAWLADDA UGU SAREEYEY EE DEGMADA; MIYAANAD AHAYN WAXAN AANU SAMAYSANAY EE AANU IS=HAYNO.

DUQII: “Aniga Qof ahaan ayaad ii Ataagtay”

ANIGA: Xusidda arrinka Faqash u gelideenii iyo Gaadhigii Xuseen Kaariye ee Muqdisho aynu kasoo wada raacnay Aniga ayaa isku Badbaadinayey oo Sheegashadaadii soo marid Jabhadnimo inay Annigana ificl geliso oo aanu iigu dhicin ismaqiiqid ayaan kaga hortegaayey. Waanan inoo saluugsanaa Sheegashadeena Jabhadnimo.

DUQII:Horta Arrintaas QOF ATAAGIDDA ah wixii aan ka yeelayo anigay i jirtaa, laakii waxaan kuu sheegayaa, Arrintaa Qori Ku Qabsashadayda Warshada Laydhku waa dhacdo lawada ogaa oo BBC, TV-yada iyo Jaraa’idkuba ay wax ka qoreen, oo waa arrin ujeedadeedii ay fushay oo lasoo dhaafay, markaa anigu kuma mashquulayo arrintaas”. “waxaan kuu sheegayaa Arrinkii Berigii (March, 2013-kii) ee igu soo wareejintii Aqalka MARTIDA ee BERBERA (Berbera Guest House) aad dalbatay way ila suurta geliwayday oo mana jirin Qoraalo Maxkamadeed oo caynkaas dhigaya…” Duqii halkaa markuu hadalkii marinayey dareenkayguna yara kacay, dhinacna aan yara dawoobayo ama ku nefisayo ka hadalka arrinkaas, lakiin an arko in Duqu aanu si Faahfaahsan uga wada hadlayn Mawduucyadii kale, iyo in ay daba dheeraan karto, isla markaana shucuurta Duqa aan ka dareemayey inuu arrintaas ka xun yahay ayaan hadalkii qabsaday oo idhi;

ANIGA: Maayar Jawaabtaasi waa Habsan (too late) ee Mawduucii ku soo noqo.

DUQII: “Horta Xiligan DIB-U-DEJIN KUUMA SAMAYN KARO, MARKA SHIDAALKA LA SOO SAARO AYAA MUWAADINKA Reer-Berbera DIB-U-DEJIN LOO SAMAYN KARAA”. “Arrinka DHUL-BIXINTUNA Jagooyinku kuma anfacayaan oo waxay Dhul-bixintu maraysaa dhul fogfog oo aanad kagayoonayn, oo markaan arkay Xaaladdii Maamulka Sare ee Dawladda, ayaa anigu waxaan Go’aansaday si Deegaanku aanay u dhul waayin in Qof kastaa oo Deegaanka ahi uu Dhulkiisa Waraaqo ku haysto, markaa haddii meelahaas aad u baahan tahay Arji soo Qoro.”

ANIGA: Maayar waad Mahadsan tahay oo Anigu iminka Dhul marti kaagama ihi, ee hadalka inoo wad.

DUQII: “Waxa isugaaya Xildhibano ka kala yimid degmooyinka oo Marti ii ah, markaa ….”

ANIGA: Anigoo hadalkii ka boobay ayaa ku idhi ‘Maayar horta Magaaladii waad Qurxisay wax badana waad qabatay, markaa mudadii yarayd ee magaalada aan joogay meelo u baahan in TALO aan ka Dhiibto ayaan jecelahay inaan kuu soo gudbiyo, ee ii idan.’

DUQII: “Soo Taladaadu waa Muhiim”

ANIGA: Maayar Saldhigan Booliska ee Halkan aad ka samaysay, usamee Gaadhi AMBLACE ah oo Badda iyo Xeebta Shilalka ka dhaca loo Gurmad degdega ka geysan kara. Arrinta TALO ee labaadna waxay tahay, Halkan Laamida TIMIRTA ee aad balaadhisay halka ku began Guriga Bursade laamida ka baydha labada Wado isku Fur oo u bane meel Baabuurta rabta Dhinaca kale ay ka leexan karto, oo xataa Meheradihii iyo macaamiishii ayaa kala xidhmay .

DUQII: Arrintaasi waxay khusaysaa oo Go’aan ka gaadhi kara Taraafiga ku shaqada leh wadooyinka.

ANIGA: Waad Mahadsan Tahay Maayar, orod oo u tag Marti ayaa kuu joogtee. Dabadeedna sidii ayaanu ku kala tagnay.

KULANKII BADHASAABKA

Maalintii ku xigtay ayaa waxaan xafiiskiisa ugu tegay Badhasaabka Gobolkan Saaxil, markii aan ku fadhiiistay Kursigii ayaa hadalkii na dhex maray wuxuu u dhacay sidan:

ANIGA: Gudoomiye Shalay Maayarkii ayaanu is aragnay oo Hotel Maansoor aanu ku kulanay wuxuuna iigu jawaabay…. Markaan halkaas marayo ayuu Badhasaabkii hadalkii uu iga boobay oo yidhi sidan:

BADHASAABKII: “Maayarku wuu iisheegay inaad Kulanteen oo aad u wada hadsheen. Wuxuuna Maayarku ii sheegay inuu kuugu Jawaabay MARKA SHIDAALKA LA SOO SAARO IN DIB-U-DEJIN UU KUU SAMAYN KARO IYO ARRIMIHII KALE EE UU KUUGU JAWAABAYBA. MARKAA ANIGU WAXAAN KUGULA TALIN LAHAA IN SAMIRKA AAD OGAATID”….

QALINKII; GARYAQAAN MAXAMED XASAN SICIID (SALI DHIGE)

COMMENTS
LINKS