“Intii Cid kale Lagu Durdurin Lahaa Ha Ku Durduriyo, Nuux Ismaaciil Ee Bal Yaan Arab Isaaq Uun Lagu Darin”Cali Guray, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Intii Cid kale Lagu Durdurin Lahaa Ha Ku Durduriyo, Nuux Ismaaciil Ee Bal Yaan Arab Isaaq Uun Lagu Darin”Cali Guray,
April 22, 2019 - Written by Editor:

“Maan Diidin Dhulka Ay Madaxtooyadu La Wareegtay, Laakiin Waxan Diiday Fadeexaddan!Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamida siyaasiyiinta Xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka Dareen Celiyay ficilada foosha xun ee xukuumadu kula kacday qoyska leh dhulka xukuumadu xooga kaga dhisayso madaxtooyada oo dhawaan awood ciidan lagaga dhexraray Qoyskan.

Muj Cali Guray ayaa xukuumada ku canaantay awooda ay u adeegsatay isaga xusay in ay jirtay dariiq aan kan ahayn in loo mari karayay kaasi oo sharciga waafaqsan,

Sidoo kale cali guray ayaa xukuumada madaxwayne biixi usoo Jeediyay in ay sidayn doonto ka yeesho reer Nuux Ismaaciil balse ayna arintan oo kale ula tagi reeraha kale.

Qoraal kooban oo Cali Guray arintaasi kaga hadlayo ayaa wuxuu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebooka Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Maan Diidin Dhulka Ay Madaxtooyadu La Wareegtay Laakiin Waxan Diiday Fadeexaddan. Way Jirtay Sidan Si ka Qurux Badan Oo Sharciga Waafaqsan Oo loo Mari karayay Tanise Waa Bisin Nin Buruudlaa Bi’iyay. Yeelkeed Intii Cid kale Lagu Durdurin lahaa ha ku Durduriyo Nuux Ismaaciil Ee Bal Yaan Arab Isaaq Uun Lagu Darin Waa Baaruudda Dhegaha fudude”

COMMENTS
LINKS