|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo Dacwad Ka Dhan Ah Laga Gudbiyay
April 2, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Jaamac Ismaaciil Cige “Jaamac Shabeel” oo ahaa Guddoomiyihii hore golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo Prof: Cabdi Cali Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa shaaciyay in hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ay ka gudbiyeen dacwad ka dhan ah. Prof: Cabdi Cali Jaamac ayaa sheegay in gudida diwwaan gelinta iyo ansixinta axsaabta Somaliland ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, kadib markii uu sheegay in sifo sharci daro ah looga saaray Xisbiga. Dhinaca kale Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in wax uu ugu yeedhay qalalaase sharci, isagoona hoosta ka xariiqay in Madaxweynuhu ilaa hada ku dhici laayahay sidii uu go’aan sharci uga qaadan lahaa mudo xileedka dhamaaday ee goleyaasha Deegaanka ee dalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Xukuumada Oo Kaashanaysa Madax Dhaqameedka Somaliland oo Soo Afjartay Colaadii Beelaha Ku Dhexmartay... DAAWO;-Filmka Cusub Ee “Masayr” Iyo Dhacdooyin Xiiso Leh Oo Uu Xanbaarsan Yahay!Qaybtii Kowaad. Madaxweyne Siilaanyo Oo Raysal wasaare David Cameron Ka Codsaday Inuu Hoos u eego Talaabada Baanka B... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|