|
|||||
WAJAALE NEWS
“Heshiiskii KULMIYE iyo UCID Wuxu Ahaa Shahaadadii Dhimashada Dimuqraadiyada Somaliland”.Gudoomiye Ciro
April 24, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”, ayaa wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaamay heshiis ay Shalay Hargeysa ku kala saxeexdeen Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, kaasi oo uu ka maqnaa WADDANI. Guddoomiye Cirro oo Maanta Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ka dib Safar uu ugu maqnaa Dalka dibeddiisa, ayaa isagoo ka hadlaya heshiiska ay wada gaadheen UCID iyo KULMIYE ee ah in Komiishanka xilka hayaa sii shaqeeyo illaa muddo xileedkoodu ka dhamaanayo, Komiishanka cusub ee la sii dhisi doonana laba xubnood lagu kordhiyo ka dib doorashada, ayaa yidhi “Shalay, Xukuumadda Somaliland iyo Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay soo saareen waxay ku sheegeen Go’aan (Heshiis), Go’aan muu ahayn kaasi, waxaynu ku macnayn karnaa oo keliya inuu ahaa shahaadadii dhimashada ee Hanaankii Dimuqraadiyadda iyo Doorashoooyinka ee Somaliland, ilaahayna ha inooga sahlo. Waxaanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay ahayn mid u danaynaysa hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, maaha tallaabo u danaynaysa midnimada Shacabka iyo Wada-jirkooda, hase-yeeshee waa Tallaabo dil-dilaac ku keeni karta Bulshada Somaliland, waxa kale oo aanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay Somaliland sinaba uga suurto-gal ahayn in laba Xisbi yidhaahdaan annaga ayaa Somaliland sidaanu doono ka yeelayna intay gaar u tashadaan..” Guddoomiyaha WADDANI wuxuu farriin u diray Beesha Caalamka “Beesha Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Go’aankaa magacay doonaan ha u bixiyaane inaanu deedafayney oo aanaan ogolayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xisbiga WADDANI wuxuu beesha Caalamka iyo Shacabkaba ugu sheegayaa inuu diyaar u yahay doorashooyin, siduu horeba diyaarka ugu ahaa, kuwaasi oo wakhtigoodii ku qabsooma. Waxaanu leenahay Xukuumadda iyo labada xisbi, taladi waad la ambateen, annaguna Miiskii wada-hadallada ayaanu diyaar u nahay sidii aanu awalba ugu ahayn..”. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|