Hargeysa: Maxkamad Xukuntay Muwaadin Lagu Eedeeyay Inuu Diinta Aflagaadeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa: Maxkamad Xukuntay Muwaadin Lagu Eedeeyay Inuu Diinta Aflagaadeeyay
April 30, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta Xukun Xadhig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ka mid ahaa Macalimiinta Somaliland.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) ayaa Maxkamaddu ku xukuntay laba sanadood iyo Lix Bilood oo xadhiga ah, sida uu Shabakada Wajaalenews u xaqiijiyey Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee xukumay.

Muwaadinkan Xukunku ku dhacay ayaa lagu eedeeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka, ka dib markii uu Qoraallo Aflagaado ku ah Diinta ku baahiyey Warbaahinta Internet-ka, sida Facebook.

Hargeysa: Maxkamad Xukuntay Muwaadin Lagu Eedeeyay Inuu Diinta Aflagaadeeyay

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi), ayaa sannadkiii 2012-kii ka mid ahaa Musharraxiintii ka qayb-galay doorashadii Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo wakhtigaa iska soo sharraxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS