|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Magaalada Washington Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Qabanayaan Xuska 18ka May.
April 12, 2019 - Written by Editor:Washington(W,N)-Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC ayaa sheegay inay sannadkan siwayn uxusi doonaan xuska sanad guurada 18ka May, taasi oo ay marti ku noqon doonaan fanaanina kala ah ABDI QABOOJIYE, IYO XIISKIISA, MARWO SAHRA MOOGE.. Gudida ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay soo saareen oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Caalamiga ah ee () waxaanu qoraalku udhibnaa sidan:- Jaaliyadda ku dhaqan agagaarka Washington, DC. USA, waxay diyaarinayaan u dabaal-dega 18-ka May oo sannadkani kusoo beegmay kii 28aad, markaa waxaanu qorshaynaynaa inuu sannadkani noqdo mid aad uga duwan kuwii hore loo soo qaban jiray. Waxaaynu nasiib wayn u helnay inuu inoo yimaado fanaan waa-weyn oo caanka ah ABDI QABOOJIYE, IYO XIISKIISA, MARWO SAHRA MOOGE oo ka iman doonna London, UK. Waxaa kale oo inagala soo qayb. Maadaama aanu qorshaynayno in xafladani noqoto mid aad u heersaraysa, waxaanu idinka codsanaynaa inaad caruurtiina keentan si ay inoola qayb qaatan dabaal-degan muhiimka idinkoo u soo xidhaya astaamo muujinaya dharka dhaqanka Somaliland. Waxaanu filaynaa inaad fahamsantihiin muhiimada ay leedahay u dabaadega 28 guuraddii kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda, taas oo u baahan inaynu dhamaanteen kasoo qayb galno inagoo muujinayna farxad iyo niyad wanaag. Xuska 18-ka May waa tiirka isku haya dadweyna reer Somaliland, iyaddoo xasuusta dhibtii adka Somaliand soo gaadhay, iyo in tii oo kale laska ilaaliyo. Waxaa inoo balan ah habeenka bishu tahay Friday May 03, 2019 saacada 7-da fiidnimo iyo idinkoo diyaar u ah habeen farxadeed. Alleh Mehad Leh Jamal Yusuf Daroor Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC.
Related posts:Idaacada BBC-da Oo Raali-Galin Ka Bixisay Warar Ay Si Khaldan Uga Baahisay Somaliland Iyo Golaada Qo... "Dawladda Hoose Hargaysi Way Ku Filan Tahay Suuqa Waaheen"Wasiir ku Xigeenka W/Arrimaha Gudaha. Heshiis iskaashi oo dhex maray jaamicada abaarso tech university iyo ururka shaybaadhiistayaasha som... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|