Ganacsade Cali Cumar Oo U Mahadceliyay Shacabka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsade Cali Cumar Oo U Mahadceliyay Shacabka Somaliland.
April 21, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed, ayaa ka mahadceliyay farriimo duco ah oo hawada loo soo mariyay mudadii uu dalka dibadiisa ugu maqnaa xaaladda Caafimaad.

Cali Cumar, ayaa dhawaan xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa, waxaanu dhawaan ku soo laabtay magaalada Hargeysa, isagoo guud ahaan shacabka Somaliland uga mahadceliyay ducada ay u soo direen oo uu Alle aqbalay. “Marka koowaad waxaan u mahadnaqayaa Alle oo SWT igu soo celiyay nabad iyo caafimaad qab, marka xiga waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Biixi, saddexda gole, saddexda xisbi qaran, culimada, ganacsatada, dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland oo mudadii aan maqnaa ii soo dirayay farriimo duco ah. Alle wuu aqbalay ducadii, waanan caafimaad qabaa, waxaanan ku soo noqday Hargeysa.” Ayuu yidhi Cali Cumar oo intaas raaciyay, “Markaas, waxaan guud ahaan umadayda leeyahay Alle ha idinka abaalmariyo ducada aad ii soo dirteen oo uu Alle ii aqbalay.”

Ganacsade Cali Cumar, waxa kale oo uu u mahadceliyay qurbe-joogta oo uu sheegay inay aad u garab istaageen islamarkaana isugu dareen duco iyo booqasho, “Qurbe joogta Somaliland iimay kala hadhin, waanan uga mahadcelinayaa.” Ayuu yidhi Cali Cumar.

 

COMMENTS
LINKS