“Fikirka Iiga Soo Baxday Xidhiidhka Madaxtooyada S/land Iyo Cabashada Dadweynaha, Gaar Ahaan Inta Aan Sidan Tilifoon Leh #1” Yuusuf Budle. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Fikirka Iiga Soo Baxday Xidhiidhka Madaxtooyada S/land Iyo Cabashada Dadweynaha, Gaar Ahaan Inta Aan Sidan Tilifoon Leh #1” Yuusuf Budle.
April 30, 2019 - Written by Editor:

Fariinta Madaxtooyada Somaliland u dirtay shicibkeedii kadib markii loo sameeyey hal line ( khad keli ah) oo laga wici karo.

Haddii aad rabto Madaxweynaha garaac #1 ( Awal)

Haddii aad rabto xoghayntiisa garaac # 1 ( Awal)

Haddii aad rabto Agaasimaha guud garaac #1 ( Awal)

Haddii aad rabto Khasnajiga garaac #1 (Awal)

Haddii lagaa qaban waayay waxa aad ku dacwoon kartaa Marwada koowaad iyo labaad, fadlan garaac # 1 ( Awal)

Xusuus gaar ah:

Haddii aad noo waday war khuseeya nabadgelyada dalka oo halis ku ah qaranimada dalka fadlan garaac Taliyaha ciidanka qaranka # 1 ( Awal)

Haddii tilifoonada oo dhan lagaa qaban waayey fadlan ku dacwoo maxkamada sare oo garaac # 1 ( Awal).

Haddii intaas oo dhan tilifoonku kuugu geli waayey, waxa dhici karta in (1) Aanu ku jirno shirweynihii beesha ee todobaadlaha ahaa ama (2) ay jirto cilad farsamo oo u baahan in aad noo dulqaadato illaa inta uu Madaxweynuhu saxayo.

Xusuus gaar ah: Haddii aanu tifoonkaagu lahayn lambarka 1 ama aan qof qoyskaaga ka mid ahi sidan tilifoon leh lambarka 1, fadlan wakhti ha iskaga lumin, maadaama aanay suurto gal ahayn in tilifoonku kuu soo galo, ka hor inta aan ciladan farsamo la sixin.

Geba gebo iyo Talo: Waxa aan madaxweynaha u cadaynayo in umaddii khaatiyaan ka taagan tahay #1. Haddii ay jirto Aqoondaro idinka haysata xagga tilifoonada waxa aan talo ahaan idiinku soo jeedin lahaa in inta aad xal buuxa helaysaan aad ugu yaraan sii isticmaashaan khadkii kan ka horeeyay ee Aad Madaxtooyada ugala wareegteen Madaxweyne Siilaanyo ee ahaa 2.5ka AMA aad soo deynsataan systemka Farmaajo ee leh 4.5 ka khad ama line. Madaxweyne waa markii noogu horaysay ee aanu aragno Madaxtooyo leh hal khad (1.0), fadlan khadadka badi, xataa haba noqdeen kuwo 2.5 ama 4.5 ahe.

QALINKII; Aqoonyahan Yusuf Budle,

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
LINKS