|
|||||
WAJAALE NEWS
Farmaajo oo Sheegay In Dhaqaale Xumo Baahsani Ay Soo Food Saartay Dowladdiisa
April 22, 2019 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladdiisu xiligan wajeyso dhaqaale xumo baahsan. Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in caqabadaha heysta maamulkiisa uu Madaxweynaha ka yahay ay ugu horeysay arinta dhaqaale, isaga oo sababta ku mic-neeyay in sidii loo baahnaa aan loo heli dakhli uruurintii gudaha. Wasaarradda Maaliyada Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in hormar laga sameeyay dhinaca kobacaha dhaqaalaha iyo dakhli uruurinta, taasoo sababtay ayay tidhi Wasaarraddu in la hormariyo hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya. Laakiin hadalka Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay ayaa meesha ka saaraya sheegashada Wasaarradda Maaliyada ee la xidhiidha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Wasiirkii Ciyaaraha Oo Ku Dhawaaqay Inuu Is Casilay, Faah Faahina Ka Bixiyey Sababaha Keenay Is Casi... Abwaanada Ugu Da’da Weyn Somaliland oo Si Adag Uga Hadley Xaalada Dalka, Fariina U Diray Xukuumada Daawo:Siyaasiga Wayn Ee Ismaaciil Hure Buubaa Oo Waraysi Uu Bixiyay Ku Sheegay In Uu Jiro Khilaaf Ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|