Farmaajo oo Sheegay In Dhaqaale Xumo Baahsani Ay Soo Food Saartay Dowladdiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Farmaajo oo Sheegay In Dhaqaale Xumo Baahsani Ay Soo Food Saartay Dowladdiisa
April 22, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladdiisu xiligan wajeyso dhaqaale xumo baahsan.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in caqabadaha heysta maamulkiisa uu Madaxweynaha ka yahay ay ugu horeysay arinta dhaqaale, isaga oo sababta ku mic-neeyay in sidii loo baahnaa aan loo heli dakhli uruurintii gudaha.

Wasaarradda Maaliyada Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in hormar laga sameeyay dhinaca kobacaha dhaqaalaha iyo dakhli uruurinta, taasoo sababtay ayay tidhi Wasaarraddu in la hormariyo hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Laakiin hadalka Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay ayaa meesha ka saaraya sheegashada Wasaarradda Maaliyada ee la xidhiidha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS