Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya Oo Buuq Ku Soo Dhamaaday Iyo Qodobada La isku Seegay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya Oo Buuq Ku Soo Dhamaaday Iyo Qodobada La isku Seegay
April 6, 2019 - Written by Editor:


Muqdisho(W.N):-fadhigii golaha shacabka dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo lagaga hadli lahaa xaalada amniga dalka ayaa maanta ku soo dhamaaday buuq iyo sawaxan ka dhashay dood ka dhalatay in saxaafadu kulanka dibada looga saaro.
Fadhiga golaha shacabka oo uu gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayuu hadheeyey buuq ka dhashay soo jeedin ay keeneen qaar ka mid ah xildhibaanada golahaasi, kuwaas oo dalbaday in dooda xildhibaanada dibada looga saaro warbaahinta.
Buuqa iyo ismaandhaafka dhexmaray xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka dhashay ka dib markii ay xildhibaanadu cod u qaadeen in dooda ay goob joog ka ahaadaan warbaahintu iyo in kale, iyada oo xildhibaano gaadhaya 104 ay u codeeyeen in warbaahinta dibada la dhigo halka 42 xildhibaana diideen.
Xildhibaanada u codeeyey inaan warbaahinta dibada loo saarin ayaa hor istaagay in la fuliyo go’aanka aqlabiyada xildhibaanada, taas oo keentay in fadhigii golaha shacabku uu ku soo dhamaado buuq keenay inaanu sii socon, iyada oo gudoomiye Mursal uu ku dhawaaqay in fadhigu xidhan yahay.
Fadhigan oo lagaga hadli lahaa xaalada amaanka dalka ayaa waxaa goob joog ahaa taliyayaaasha ciidamada xooga dalka iyo booliska soomaaliya wallow uu ka maqnaa taliyaha nabad sugida oo isagana loo yeedhay xildhibaanada qaarna dalbnayeen in loo yeedho taliyaha sirdoonka qaranka.
Si kastaba ha ahaatee kulanaasi ayaa sidaa ku soo xidhmay geesta kale gudoomiye Mursal ayaan shaacin wakhtiga ay xildhibaanada golaha shacabku iskugu iman doonaan fadhiga dambe.

COMMENTS
LINKS