Faah Faahinta; Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Uu Sobobay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah Faahinta; Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Uu Sobobay!
April 4, 2019 - Written by Editor:

Muqdisho (W,N) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax gaadhi oo caawa fiidkii lagu weeraray xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyed ee General Kaahiye ee magaalada muqdisho.

Qaraxan oo si weyn looga maqlayay magaalada Muqdisho ayaa loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa lagu soo raray, sida ay inoo sheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan.

Waxaa la sheegay qaraxan oo si gaar ah uga dhacay mid ka mid ah Kontoroolada laga ilaaliyo xarunta General Kaahiye inuu geystay khasaare kala duwan.

Khasaaraha qaraxan ka dhashay ayaa lagu sheegay dhimashada 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo mid ka mid ah ay tahay Haweeney.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga gaadhigan qarxay sida uu halkaasi ku galay, maadaama ammaanka aaggaasi aad loo ilaaliyo, sidoo kale lama oga gaadhiga Qarxay Noociisa.

Hay’adaha ammaanka oo kaashanaya saraakiil cadaan ah ayaa bilaabay baadhitaano la xidhiidha qaraxan, waxayna halkaasi ka ururiyeen hadhaadhii gaadhiga qarxay.

Xaalada goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid degan, iyada oo aan laga helin muuqaalo iyo sawirro, bacdamaa ay tahay xilli habeen ah, halkaasina ay tageen ciidan badan.

Qaraxan ayaa ku soo aaday xilli shalay gelinkii dambe Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliya ay ka digtay gaari Qarax sida oo ku jira gudaha Magaalada.

Xarakada  Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa tilmaamay inay qarax la beegsadeen fariisin ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidan, khasaarana ay ku gaadhsiiyeen.

 

 

COMMENTS
LINKS