|
|||||
WAJAALE NEWS
Erayga “Ummada Soomaaliyeed” ee inta badan lagaga cataabo Somalia waa eray aan xis-naqdi leh iyo miyir-qab siyaasi ah midna aan ku iman
April 30, 2019 - Written by Reporter:Erayga “Ummadda Soomaaliyeed” ee inta badan la ga ga cataabo Soomaaliya iyada oo la dawladaynayo; waa eray aan xis-naqdi leh iyo miyir-qab siyaasi ah midna aan ku iman. Waxa taa markhaati u ah; marka hore yaa ah Ummad Soomaaliyeed? Sow ma aha kan jooga Jabuuti, Jigjiga, Wajeer iyo Hargeysa? Ma dawladnimo u dhex ah oo ay wadajir u wada dhisteen ayaa jirta? Sow ummad waliba dawladnimo u gaar ah iyo calan ma ay yeelan? Su’aasha ka soo dhex baxaysa su’aalahaa waaweyn waxa ugu mudan in wax la iska wayddiiyo dawladnimada Xamar taal ee Ummadda Soomaaliyeed ku midowday ta ay tahay? Dawladnimada Jabuuti, Jigjiga, Wajeer iyo Hargeysi heshiiska ku yihiin ee la ga ga tanaasulay xuduudaha mu cayinka ah, dastuurada qaran ee kala duwan iyo heshiisyada bulsho goorma ayey dhalatay? Xaggee la gu unkay? Yaa se aaminsan ee ku dhaqma ee maanta dan ka leh in Xamar calan, ciidan iyo cuud dawladnimo ay kula wadaag caweeyaan? Erayga saxda ah waa dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda. Wax ummad Soomaaliyeed la yidhaa oo Muqdisho xarun u tahay meelna la gu ma oga, Xamar baa se la ga ga been cataabaa. Hargeysa shan Madaxweyne ayaa xukunka la kala wareegay oo saddex ka mid doorasho hal qof iyo hal cod ay talada kula wareegeen. Dhanka kale, Jabuuti labo Madaxweyne, Jigjiga iyo Wajeerna ummadaha ay dawladnimada la wadaagaan ayey ku iimaan qabaan oo ay dhibta Xamar taal kaga nabad galeen, iyaga ayaana marti-galiyey kuwa dawladnimada isku dhibay ee colaadda dhexdooda taal shisheeyuhu u soo dan raacay. Mohamed O. Hagi Mohamoud COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|