|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Hoose Hargeysa oo La Wareegtay Xoolihii Magaalada Dhex Joogay iyo Digniinta Maayirka
April 23, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha lagu uruuriyay Xoolaha kala duwan ee laga soo qabtay gudaha magaalada Hargeysa. Sidoo kale Maayirka caasimada Hargeysa ayaa sheegay in xoolahan maanta laga soo qabtay magaalada gudaheeda ay digniin u noqonayso shacabka ku dhaqan Hargeysa. Dhinaca kale Maayirka Hargeysa ayaa waxa kale oo uu shaaciyay in ay dawlada hoose Hargeysa maalinta berito ah ay si rasmi ah u bilaabi doonto inay adhigaasi la wareegto oo lagu xanaanayn doono goobo kala duwan oo loogu talagalay, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay xoolahooda kala baxaan magaalada, isagoona sheegay in aan dib loogu celinayayn xoolaha ay soo qabtaan shaqaalaha dawlada hoose.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:Halkan Ka Akhri Liiska Magacyada Degmooyin Cusub Oo Uu Madaxweyne Silaanyo Digrayto Ku Magacaabay Daawo: Magaalada Hargeysa Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Dilaaco Xanuunka Shuban Biyoodku Iyo Kulan Deg... Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo Dawlada Hoose Qaarkood Ku Wareejisay Maamulka Waxbarashada Aas Aasiga ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|