“Dadka Cali Khaliif Haystaa Waxay Ku Haystaan Sida Ay Doonayaan Ayuu Si Ka Duwan U Hadlaa”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dadka Cali Khaliif Haystaa Waxay Ku Haystaan Sida Ay Doonayaan Ayuu Si Ka Duwan U Hadlaa”Cali Guray.
April 26, 2019 - Written by Editor:

“Dad Badan Oo Beesha Dhexe Ah Ayaa Ku Wareersan Munaasibadaha Ay Cali Khaliif Iyo Samater Ka Jeediyaan Hadalada”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N) Siyaasi cali guray ayaa ka dareen celiyay aragtiyaha dadka qaar ka qabaan sida uu u hadlayo cali khaliif iyo doodaha uu fagaaraha ku qabanayaan isaga iyo prof Axmed Ismaaciil Samater

Muj Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

AAN WADA HADALO WAA AAN HESHIINO!

 “Dadka Cali Khaliif haystaa waxay ku haystaan sida ay image doonayaan ayuu si ka duwan u hadlaa. Qofka aragtidaa ama qoladaada mid ka duwan isagu qabaana dembiile kuma noqon karo. Sida aynu hadda wax u wada leenahay hadaad sax u aragto isaguna qalad buu u arkaa in laga wada hadlana wuu ogol yahay. Markaa yaa qaldan ma ka ogol in laga wada hadlo mise ka diidan? Dad badan oo beesha dhexe ah ayaa ku Wareersan munaasibadaha ay Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar ka jeediyaan hadalada oo weliba aanay keligood uun ahayne dad kalena ka hadlaan. Maxaa loo ogolaaday ayay qaar badani ku odhanayaan.

Hadda waa kuwii shaley qaladka u arkayay in laga qaado xoriyadda hadalka. Wixii Somaliland oo dhan ka dhexeeya ee ay Isla ogol yihiin waa lagu heshiin karaa laakiin waa lana xasuuqay dee cid gaar ah ayay khusaysaa mid baa isaguna u arki kara in laga burburiyay dawladii reerkiisa ahayd ee bal labadaa isu keen. Waxay ku heshiin karaan wixii tegay waxaynu ka faa,iidi karnaa wixii aynu casharo ka baranay oo keliya, laakiin mustaqbalkeena waxa aynu yeelayno maaha inay go’aamiyaan wixii dhacay shalay ee ina dhaafay oo ah taariikh xumo iyo samoba.Wada hadalka Somalia iyo Somaliland waxa marka hore mudnaanta ka leh wadahadalka Somaliland ay dhexdeeda ka wada hadasho ee ka heshiiso. Hadii kale waxay Somalia ka wadahadli karaanba waa uun hadaltiro.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS