Dad Ku Dhintay Xero Barakacayaal oo Ku Basbeeshay Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Ku Dhintay Xero Barakacayaal oo Ku Basbeeshay Hargeysa
April 2, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Dab xoog leh ayaa ka kacay Xaafada isku raran ah oo ay degan yihin dad barakacayaal ah oo ku taala duleedka Bari ee magaalada Hargeysa.

Dabkan ka kacay Xaafadan oo loo yaqaano Istanbul ayaa sida la ii xaqiijiyey waxa ku geeriyooday 2 qof oo ah Haween ah.

Dabka ayaa baabiiyey badi guryihii ku yaalay xaafadaasi Barakacayaasha ee Istanbul, oo ka samaysnaa cooshado buulal ah.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda si dhab ah looma xaqiijin kale khasaaraha dhimashada ee dabkaasi ka soo gaadhay dadkii degenaa xaafadaasi Barakacayaasha ee uu dabku qabsaday.

Waxaana islamarkiiba goobta gurmad xoog leh gaadhsiiyay ciidamada Dab Damiska oo iyagu la tacaalayey bakhtiinta Dabkaasi.

Mid ka mid ah Haweenkii dabkaasi guryahooda ka kacay kala soo cararay caruurteed, ayaa waxa ay sheegtay in iyada iyo lix caruur ah oo ay haysato iyo odaygeedii ay dabkaasi ka soo samatabaxeen oo aan wax dhibaato ahi ka soo gaadhin.

Balse waxa Haweenaydani sheegtay in ilmaha ugu yar caruurteeda oo ay dhabta ku haysay isla markaana ay Naaska Jaqsiinaysay xiligaasi uu ka xanuunsanayo oo Dhaxani ay hayso, waxaanay haweenaydani ku tiraabtay in guryaha la gubay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/aU-EnDn96nE

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS