DAAWO; Sheekh Aadansiiro Si Adag Uga Hadlay Dulmiga iyo Tacadiga Madaxwayne Biixi Ku Hayo Qoyska Maxamed Xasan Dalab Iyo Farinta Uu u Diray Shacabka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Sheekh Aadansiiro Si Adag Uga Hadlay Dulmiga iyo Tacadiga Madaxwayne Biixi Ku Hayo Qoyska Maxamed Xasan Dalab Iyo Farinta Uu u Diray Shacabka.
April 20, 2019 - Written by Editor:

“Dawladdii Ka Horraysey Dawladdani Cid Qabata Ayay  Lahayd, Tan Yaa Looga Ashkatoodaa…..” ? Sh. Aadan-Siiro

Hargeysa (W,N) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada ay Ummadaha Muslimka ahi ka dhaxlaan Dulmiga, waxaanu ku baaqay in Bulshada Somaliland ka fogaato inay dhexdooda is-dulmiyaan.

Sheekhu wuxuu ka warramay sida Rasuulkeena Muxamed (CSW) uu Muslimiinta ugaga digay Dulmiga, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya “Waxaan si kooban uga hadlayaa waxa Dulmiga loo yaqaano iyo raadka uu ku yeesho Bulsho Muslimiin ah haddii aanay dulmigaa wax ka qabanin, Anigoo ku eegi doona waxa Toddobaadyadii u dambeeyay ka dhacayey Magaalada Hargeysa.”

 

Sheekh Aadan wuxuu khudbaddiisa farriin uu ugu nasteexaynayo ugu diray Madaxweynaha Somaliland “Waxaan ka warrami doonaa Dadkii Sharciga, Caqliga iyo Diinta iyo Damiirku shaqaynayey siday Dulmiga iskaga qaban jireen, farriintana waxaan u diri doonaa Madaxweynaha nasiibka u helay inuu hoggaamiyo Afar Milyan iyo Badh Muslimiin ah, nasiibna u helay inuu hor fadhiisto intaas oo Aqoonyahan oo Ummadda u ilo-bixin lahaa, Annaga oo u Tilmaami doona in dulmiga uu sameeyaa yahay mid taxan Adduun iyo Aakhiraba. Dadnimadayda iyo Damiirkaygu i siin maayaan inaan ka aamuso oo aan tilmaami-waayo dhacdo dulmiya oo dhacaysa.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sharraxay waxa uu Dulmigu yahay “Dulmigu waa maxay? Culimadii Diintii fahantay ayaa dulmiga waxay ku fasireen Adiga oo iska isticmaala oo sidaad doonto ka yeela Hanti ay Dad leeyihiin, Adigoo u maraya dariiq aan Xaq ahayn. Dulmigu waa Runta oo been laga dhigo, Beentana Run laga dhigo ‘Subxaannallaah’. Qof Masuul ah oo been Cad Ummadda u sheegaya ayaa ka mid ah Saddexda aanu Illaahay SW eegayn Maalinta Qiyaamaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “1440 sanadood ka hor, ayaa Culimadii Diinta fahantay yidhaahdeen ‘ILLAAHAY SW wuu u gargaaraa Dawladda Gaalada ah, hadday isku Caddaalad falaan,  ILLAAHAY’se uma gargaaro Dawladda dadkeeda dulmida haba ahaato Muslim’e, sidaa waxa yidhi Ibnu Taymiya.  Maxaa Maanta

COMMENTS
LINKS