|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ciidamada Yube Jooga Gobolka Aad Odayasha Ka Tihiin Bay Nabadgelyadiisa U Joogan, Inaguna Iskuma Soo Duuli Karno oo Xoog Iskuma Muqunin Karno”.Madaxweyne Biixi
April 22, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo taabanaya ka jeediyey munaasibada hadhimo sharafeedka madax-dhaqameedka bariga Sanaag, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey salaadiinta, boqorrada iyo waxgaradka Sanaag Bari iyo Badhan kasoo jeeda ee Caasimadda soo gaadhay, waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay dhegaysiga tabashooyinka ay qabaan iyo xal u raadintoodaba. Madaxweynuhu waxa uu talada iyo aqoonta taalla gobollada ay waxgaradkani kasoo jeedaan ay Somaliland oo dhammi u baahan tahay oo aan laga maarmi Karin, “Weftiga ka yimi bariga Sanaag waannu soo dhaweynaynaa, waxannu usoo dhaweynaynaa waa qayb kamid ah Somaliland oo aannu muddo kala maqnayn oo Ilaahay Maanta isu kaaya keenay, Somaliland-na maanta waxa ay u baahan tahay taladiinna, maskaxdiinna, waxtarkiinna, aqoontiinna iyo baayac-mushtarkiinna, waayo deegaanka aad ka timmaadeen Soomaalida oo dhan wuu ka tilmaaman yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi mar uu ka hadlayey ujeeddada kulanka uu la qaatay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa waxa uu yidhi, “Dawladnimo aynnu wada-dhisanno baan idiinku yeedhay, waxa aynnu haysanno oo dhexdaas inoo yaalla ayeynu ka dhigannay, walaalow adigaa leh iyo cun iyo cun baynnu ku wada-hadalnay.”. Madaxweynuhu waxa uu sharraxay muhiimadda ay nabaddu leedahay iyo sida ay furaha nolosha muhiimka ugu tahay, isaga oo waxgaradka reer Sanaagna ka codsaday inay nabadda ku mintidaan, Dalku wuxuu u kala horumaray siday nabadda ugu kala horreeyeen, mar baana jirtay ay hay’aduhu Awdal oo qudha degi jireen, mar baa jirtey ay Hargeysa soo gaadheen dhawr sano ka bacdi, sidaasi si le’eg marba halkii nabad noqota ayaa dadkuna xoolahooda iyo dadkoodaba ku aaminayaan, markaa waxa aynnu u baahannahay inaynnu labada gacmoodba nabadda isugu geynno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay ciidamo cutubyo katirsan ciidamada qaranka oo dhawaan gaadhay degmada Yubbe, isaga oo tilmaamay in ujeeddadoodu tahay kala ilaalinta bulshada iyo difaaca cadowga, waxana uu yidhi, “Ciidamada Yubbe joogaa gobolka aad odayaasha ka tihiin bay nabadgelyadiisa u joogaan, nabadgelyada dadka ayey sugayaan iyo inay dadkana kala ilaaliyaan, cadowgana idinka ilaaliyaan, innaguna iskuma soo duuli karno oo xoog iskuma muquunin karno.”.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|