|
|||||
WAJAALE NEWS
Cabashada Shaqaaalaha Caafimaadka Gobolka Togdheer oo Cod Dheer Ku Sheegay Musuqmaasuq uu Kula Kacay Isuduwaha Wasaarada u Qaabilsan Gobolku.
April 18, 2019 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Ilo Xog-ogaala ah Ayaa Xaqiijiyey In arrimo musuqmaasuq oo aad u fool xuni ka dhaceen xarunta gobolka togdheer gaar ahaan wasaarada caafimaadka iyo mashruucii cusbaa ee uu dhawaan daahfuray badhasaabka gobolka togdheer Xamse Maxamed Cabdi ee Lagu magacaabayey “Shine Hpa” Waxaana Wararku intaa Ku dareen in Isuduwaha Wasaarada Horumarinta caafimaadka ee Xarunta gobolka Togdheer Masuulkan oo lagu magacaabo Adan cilmi diiriya ‘Aadan malay’ uu ku talaabsaday ficilo la xidhiidha arrimo musuqmaasuq iyo lunsiga xuquuqdii ay lahaayeen shaqaale muddo ku dhow labataneeyo sano kasoo shaqeynayey Goobaha caafimaad ee gobolka togdheer. Tirakoob la sameeyey tirada dadka shaqaalaha ah ee la musuqmaasuqay Mushaharaadkoodii ayaa kor u dhaafaya ilaa 70 qof, sida ku cad jaantuska hoose. Xanaano kasta waxaa mushahar aan ka qaadan ugu yaraan 2shaqaale ah ama wax ka badan, halka ay shaqaalihii hore bilaa lacag yihin.
(waxa kaaf iyo kaladheeri noqotay dhacdo ugub ku ah gayiga dhacdadaasi waxay ahayd;inay dhacday qof sanad ku joogay bilaa lacag oo u adeegayay xananoyinka in uu lacag wayay iyadoo qof 5 casho shaqayanayayna lacag la siiyay) Shaqaalaha cusub ee sanad kan la qaatey ee ay hayada HPA gunada siiney saa waa ilaa 200 q0f rag iyo dumar iskugu jira hal qof imtixaan loo ma galin, isuduwaha ayaa jeeb kiisa kala so baxey, Mana aheyn shaqo ay usimanyihiin umadda kunool gobolka togdheer iyo kuwa kale ee reer somalilanba Waxana xusitaan mudan qofka aanu wadin qof magac iyo maamuslehi inanay cidina ahmiyad gaara siin , iyadoo kuwii hore uga mid ka ahaa shaqaalaha caafimadka mushaharkodii laga leexsadey oo dad Cusub lagu dul shaqaaleysiyey musharakoodina jeebabka laguguraty, maamulka iyo masuuliyada wasaarada caafimaadka gobolkuna waa midd u afduuban isuduwaha gobolka , iyadoo HPA wax walba isaga ay faraha ka galiso Bulshada kala duwan ee ka shaqeeya xarumaha caafimaad ee gobolka togdheer ayaa farta ku fiiqay sida uu isuduwaha wasaarada u qaabilsan gobolku u hagardaamiyey hawlihii caafimaad ee gobolka. “isuduwaha Wasarad caafimaadka Gobalka Togdheer Wuxuu Fadhiisyay waaxdii maamulka iyo lacagta, waayo meel ay lacag ku bixinayaan ma jirto iyadoo dhamaan waaxyhii kale ee wasarada caafimadka gobalku noqdeen kuwo fadhiida oo aan shaqayn tusaale ahaan isuduwadaha caafimaad ku lacagta shaqalaha ama mushaharkoda waxa uu ku sitaa ZAAD Mobile kisa ama ama Zaadka ka ku xigeenkisa iyadoo lacagtaas cadad keedu noqonayo boqolalal ka kun ka u sareya wasarada ilaa ka u hoseeya isaga ayaa u diraya.”… Waxaa sidaas yidhi hawlwadeen caafimaad oo ka shaqeeya gobolka oo aanu arrimo la xidhidha xogtan u qarinay magaciisa. markaa is weydiintu waxey tahey isuduwaha caafimadka iyo ku xigeen kisu ma khasnajibaa ama ma CASHEIR baa. Intii hore waxa aad modeysay in uu isiuduwuhu aad uga faaideysanayey wasirkii hore oo ay aad iskugu dhawaayeen saaxibo dhawna ahaayeen. Shacabka Gobolka togdheer iyo Shaqaalaha Caafimaad ee Gobolka ayaa ka dhurgsugaya Talaabada ay ka qaado Wasaarada Caafimaadku masuuliyiintan ku Takrifalay Shaqaalihii Masaakiinta ahaa iyo dhawaan uun uu madaxweynuhu u magacaabay Wasaarada Masuul da’yar oo aqoon fiican u leh hawlaha caafimaadka iyo Caqabada horyaala.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|