|
|||||
WAJAALE NEWS
“Baddi Deegaannada Soomaaliya Waxay Ahaan Doonaan Kuwo Qalallan,Marka Laga Reebo Geyiga Somaliland” FAO
April 20, 2019 - Written by Editor:Roobab Badan Oo La Saadaaliyey In Somaliland Toddobaadkan Heli Doonto & Baraarujinta Bulshada Ee Ah Inay Keydsadaan Biyaha Roobka Nairobi- (W,N) Hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) ayaa shaaca ka qaaday in toddobaadka soo socda ay deegaamada Somaliland heli doonaan Roobab badan. Sida lagu sheegay qoraal hay’addani soo saartay Jimcahii shalay oo la xidhiidha saadaasha roobabka ee toddobada maalmood soo socda ayaa lagu yidhi; “Baddi Deegaamada Soomaaliya waxay ahaan doonaan kuwo qalallan saddexda maalmood ee soo socda, marka laga reebo geyiga Somaliland iyo meelo kale oo roobab koobkooban ka da’i doonaan.. Qoraalka FAO ayaa la raaciyey, saadaasha roobabka toddobaadka soo socda 18 April ilaa 24 April, sida jaantuska tilmaamayo ayaa muujinaya fursadaha roobab badan oo ka da’a dabayaaqada toddobaadkan Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya & deegaamda sarreeya ee Itoobiya. Si kastaba, Saadaasha ay hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) bixisay, ayaa yididiilo wanaagsan muujinaysa, waxaana loo baahan yahay in bulshada Somaliland ka faa’iidaystaan weeleynta raxmaadka Alle, una samaystaan keydad taasoo wax badan ka tari doonta dhinaca biyo-yaraanta dalka iyo dhigaalka dhaqaalaha kaga baxa bulshadeena helitaanka biyaha COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|