|
|||||
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Oo Faahfaahin Ka bixiyay Dacwada Loo Haysto Axmed Geela Arab
April 4, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W.N): xukuumada somaliland ayaa markii u hhoreysay maanta si adag uga hadashay dacwada loo haysto ganacsade axmed cismaan geele oo beryahanba la hadal hayay warsaxaafadeed ay ka soo saartay madaxtooyada somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay xarunta warqabadka ee wajaale news ayaa u dhignaa sidan Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle, wuxuu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, haystana dhalasho Jabuuti ah, muddo ka dibna wuxuu u soo wareegay, soona dagay Somaliland. 12-kii bishii March, 2018, waxa dalka yimid Agaasime Ku-xigeenka Baanka weyn ee Faransiiska ah ee BRED, oo ah baanka iska leh faraca baan ee BCI Mer Rouge iyo Agaasimaha Guud ee faraca baanku ku leeyahay dalka Jabuuti Mr. Nadhir Zouaghi. Labada Mas’uul ee ka socda Baanankaa Faransiiska ahi waxay sheegeen in ay lacag deyn ah oo dhan 20 Milyan oo doolar ku leeyihiin Shirkadda GSK iyo Mulkiilaha Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u saaray arrintaas guddi ka kooban Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan. Baankaa Faransiisku waxa uu codsaday in lacagta deynta ah Shirkadda GSK u bixiso sida uu dhigayo heshiiskii deynta oo ah in hafto lagu bixiyo. Mulkiilaha Shirkadda GSK Axmed Cismaan Geelle, waxa uu qirtay deynta Baanka Faransiiska ahi u sheegtay, balse waxa uu ku dooday in lacagtiisa iyo hantidiisa qayb ka mid ahi kaga xayiran tahay Dalka Jabuuti oo aanu khilaaf soo kala dhex-galay Dawladda Jabuuti darteed u tagi karin. Sidaa daraadeedna, waxa uu ka gows-qabsaday in uu aqbalo in uu lacagta deynta ah u bixiyo si hafto ah, sida uu heshiisku ahaa, baanka faransiiskuna uu dalbaday. Dood dheer kadib, waxa la isla qaatay in dacwadda daynta lagu qaado maxkamadaha Somaliland, iyada oo haba-yaraatee wax tixgelin ah la siinin go’aamadda ka soo baxay Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti midna. Waxa in badan lagula taliyey Ganacsade Axmed Cismaan Geelle in lacagta daynta ah iska bixiyo mar hadduu qiraal yahay. Balse ganacsaduhu arrintaa wuu ka cajiiday. Sidaas darteed, Baankii Faransiiska ahaa wuxuu qabsaday Looyar reer Somaliland ah, kaas oo uu bilaabay in uu soo diyaarsado qoraallada iyo waraaqaha la xidhiidhaha dacwadda daynta Baanka Faransiiska ahi ku sheeganayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Sida curfiga Caalamiga ahi dhigayo, waxa dhammaan waraaqaha Looyarku keenay ee ka soo baxay Dawladaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti uu soo mariyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland si loo hubiyo in waraaqahani si rasmi ah uga soo baxeen dawladaha iyo hay’adaha dawliga ah ee ay magacooda sitaan. Waana hab Caalami ah oo loo xaqiijiyo qoraallada iyo waraaqaha iskaga gudbaya Dawladaha. 1. Waxa uu si sharciga baal-marsan uga soo qaatay qoraallada iyo waraaqaha arrinta dacwadda daynta lagu sheeganayo khuseeya Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada. Talaabadaas oo ah gef sharci. 2. Qoraalladaa iyo waraaqahaa waxa uu u gudbiyey, kuna abaabulay si beelaysan madax-dhaqameedyo war-moog ah. 3. Wuxuu ka been sheegay qoraallada iyo waraaqaha uu ka soo qaatay labada Wasaaradood ee kor ku xusan ee ku saabsanaa dacwadda daynta lagu sheeganayo ee ku socday Maxkamadaha Somaliland, waxaanu ugu sheegay odayaasha dhaqanka in waraaqahaasi yihiin Waaran lagu qabanayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Arrintaasi waxa ay abuurtay bulaan iyo caadifad beelaysan. Waxaanu u Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle ka doortay in uu sharciga ka talaabsado, beelo abaabulo, dalkana nabad-gelyadiisa isku dayo in uu khal-khal galiyo, Somaliland-na indhaha Caalamka ku soo jeediyo, una ekaato meel lagula soo gabado hantida iyo lacagaha laga soo dhaco Baananka adduunka. Ganacsade Axmed Cismaan Geelle waa og-yahay, waanu qirtay in hantida iyo daynta loo sheeganayo lagu leeyahay, Booliska Adduunka ee INTERPOL -na raadinayo. Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxa ay raadinayaan ictiraaf Caalami ah, waxaanay iska ilaalinayaan wax kasta oo u ekaysiinaya dalka Somaliland meel aanay ka jirin shuruuc iyo kala dambayn, lagulana soo dhuunto hantida iyo xoolaha umadaha kale ee adduunka laga soo dhaco. Allaa Mahad Leh HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA AFHAYEENKA <iframe width=”853″ height=”480″ src=”https://www.youtube.com/embed/PV-cBiayK-w” frameborder=”0″ allow=”accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture” allowfullscreen></iframe> COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|