$130 Milyan Oo Laga Helay Guriga Madaxweynihii Hore Ee Dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
$130 Milyan Oo Laga Helay Guriga Madaxweynihii Hore Ee Dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir.
April 20, 2019 - Written by Editor:

KHATUUM(W,N) – Guddiga la-dagaallama musuq-maasuqa ee uu sameeyay golaha milateriga Suudaan ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doollar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doollar.

Arrinta ayaa ka dambeysay, kaddib markii dacwad oogaha dalka Suudaan  uu billaabay baadhitaan uu ku sameynayo madaxweynaha xilka laga tuuray ee Cumar Xasan al-Bashiir, kaas oo loo haysto eedo ah inuu si sharci-darra ah lacago isugu kala gudbiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad.

Lacagta hadda laga helay guriga Al Bashiir ayaa lagu shubay bangiga dhexe ee dalkaasi Suudaan.

Cumar Al Bashiir oo soddan sanno maamullayay dalka Suudaan ayaa xabsi la dhigay ,kaddib dibadbaxyo bilooyin socday oo isaga looga soo horjeeday oo  xilka looga tuuray.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS