Xukuumadda Somaliland oo Xarumaha Dawladda Ka Raraysa Shacabka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland oo Xarumaha Dawladda Ka Raraysa Shacabka
March 2, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyaynta Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ku wargaliyey dadwaynaha degan xurumaha Wasaaradaha iyo Hay’dadaha dawladda Xayndaabkooda inay ka guuraan.

Sidaasna waxa uu ku sheegay warsaxafadeed uu soo saaray oo soo gaadhay Shabakada Wajaalenews, waxaanu u qornaa  sidan:-

“Waxa lagu wargalinayaa dhammaan muwaadiniinta degan xarumaha Wasaaradaha iyo Xay’daha dawladda xayndaabkooda inay ka guuraan goobaha ay ka degan yihiin, maadaama suurto gal ahayn in ay is dhex deganaadaan hay’daha dawladda  xafiisyadooda iyo shicibku.

Sidaa daraadeed, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan bulshadaasi inay goobahaasi kaga guuraan muddo bil ah oo ka bilaabanta 27kii bisha labaad kuna eeg 28ka bisha saddexaad ee sannadkan 2019ka.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GAIL.COM

COMMENTS
LINKS