Xukuumadda Somaliland oo Booyaddo Deg-deg Ah U Dirtay Goboladda Dalka Ee Ay Abaartu Ka Jirto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland oo Booyaddo Deg-deg Ah U Dirtay Goboladda Dalka Ee Ay Abaartu Ka Jirto
March 31, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdirxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku wareejiyay Hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka booyado xukuumadda Somaliland ugu talo-gashay goboladda ay abaartu ka jirto.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in biyo yaraan baahsani ay soo food saartay meelo kamida goboladda bariga Somaliland, waxaanu amar ku biyay in dhakhso biyo loola gaadho dadkaasi ay abaartu saamaysay.

 

COMMENTS
LINKS