“Xukunka Lagu Riday Abwaanka iyo Macalinku Waxa Uu U Egyahay Mid Siyaasadeysan”.Siyaasi Mustafe Shiine | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukunka Lagu Riday Abwaanka iyo Macalinku Waxa Uu U Egyahay Mid Siyaasadeysan”.Siyaasi Mustafe Shiine
March 7, 2019 - Written by Reporter:

“Haddaanu Madaxweynuhu doonayn inuu Xodxodasho Siyaasadeed ku galo.. Waa inuu wax ka qabto Maxkamadaha Caddaalad-darradu hadhaysay…” Mustafe-shiine

London (WJN)- Guddoomiyiihii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool, iyo Maroodi-jeex Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) oo xilligan ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si adag uga hadlay xukun maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku ridday xubno lagu eedeeyey inay madaxweynaha aflagaaddeeyeen, xadhko ay leedahay shirkadda Somcable-na qayb ka ahaayeen jarjaristooda, isagoona xukunkaasi ku tilmaamay mid siyaasadaysan.

Xukunka shanta xubnood oo qaar maqan yihiin lagu riday shalay, ayaa noqday mid hadal-hayntiisu ku badantay warbaahinta iyo baraha bulshada-ba, ka dib markii uu u muuqday mid macquuliyaadka ka durugsan, iyada oo maxkamaddu ku xukuntay 8 oo xadhig ah iyo min lix boqol, shan iyo labaatan kun oo dollarka Maraykanka ah (625,000).

Mustafe-shiine, ayaa waraysi kooban oo uu kaga hadlay xukunkan siiyay Shabakada Wajaalenews, waxa uu talo ugu soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu ugu baaqay inuu wax ka qabto wax uu ugu yeedhay cadaalad-darro xadhkaha go’ysay oo hadhay maxkamadaha iyo xeer-ilaalinta dalka, loona baahan yahay inuu madaxweyne ahaan ka gudbo aar-goosiga iyo heshiisyada siyaasadaysan ee uu ku dhaqmayo beryahan.

Qoraalka Mustafe-shiine waxa uu u dhignaa sidatan:- “Xukunka lagu riday Abwaanka iyo macalinku waxa uu u egyahay mid siyaasadeysan. Waa xaqiiq in uu xukunkani ka fogyahay yahay cadaala1da, una egyahay mid dabada laga riixaayo,.

Sida uu innoo sheegay garyaqaanka labada dulmane waxa eedda dacwadahooda la beddelay dhawr jeer, iyadoo marba gabbood looga dhigaayo eedo hummaag ah oo aakhirkii isugu timid in whatsup wax lagu qoray lagu saleeyay eedaha maxaabiista.

Kollay waa xukun labmid ah kii tobanka sano lagu xukumay Mujaahid Axmed Cadib, ugu danbeyna madaxweynuhu cafiska ka dhashay is afgaradkii beesha mujaahidka lagu sii daayay, haddaanu madaxweynuhu doonayn in uu xabsiyada ku hayo hadba muwaaddin uu ku galo xodxodasho siyaasadeed waa in uu wax ka qabtaa maxkamadahan caddaalad-darradu hadhaysay.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Mustafe-shiine.”

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS