|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye oo Waddani Ku Eedeeyay Inuu Caqabad Ku Yahay Doorashooyin Dalka Ka Dhaca
March 11, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiska xisbigaasi, ayaa ka warbixiyay shirweynihii golaha dhexe Xisbiga Kulmiye ee ka dhacay magaalada Boorama oo ay xubno ka mida Xisbiyada mucaaridku dhaliileen. Sidoo kale, Axmed Cabdi Dheere waxa kale oo uu ka jawaabay sababta ay xubno ka tirsanaa Wasiiradii Xukuumadii Axmed Siilaanyo uga qayb geli waayay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye. Waxa kale oo uu ka hadley muranka xoogan ee hadheeyay doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka iyo kulamada Xisbiyada mucaaridku kaga arinsanayaan arrimaha doorashooyinka, isagoona sheegay in aqabada haysta qabsoomida doorashooyinka ay tahay mawqifka uu taagan yahay Xisbiga Waddani. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:XOG: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Madaxda Ugu Sarraysa Soomaaliya Iy Laba Garab Oo Ay U Kala Jabeen! Daawo:Wada Hadaladii U Socday Somaliland Iyo Khaatumo Oo Dib U Dhac Ku Yimid Iyo Waqtiga Loo Asteeya... Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Kulan Ay Wada Yeesheen Madaxwayne Biixi Iyo Ari... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|