Hogaanka Xisbiga KULMIYE oo Kulan La Qaatey Wafti Ka Socdey Midawga Yurub, Kana Wadahadley Qabsoomida Doorashooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiga KULMIYE oo Kulan La Qaatey Wafti Ka Socdey Midawga Yurub, Kana Wadahadley Qabsoomida Doorashooyinka
March 5, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Hoggaanka xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga kulan kula qaatay wefti ka socday midowga reer Yurub oo arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda ka shaqeeya.

Xubnaha weftiga ka socda midowga reer Yurub waxa xarunta guud ee xisbiga kusoo dhaweeyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE, waxana labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo door ah oo salka ku haya u diyargarowga doorashooyinka iyo mawqifka uu xisbiga KULMIYE ka taagan yahay sidii ay doorashooyinku waqtigii loo asteeyey ugu qabsoomi lahaayeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahina la hadlay, ayaa sheegay inay xubnaha weftiga ah ee ka socda midowga reer Yurub kala hadleen qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, isla markaana ay xisbi ahaan u caddeeyeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu ugu qabsoomi lahaayeen waqtiga loo asteeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxannu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah doorashooyinka gelayaasha deegaanka deegaanka iyo wakiillada ee aannu doonayno inay dhacdo  dabayaaqada sannadkan 2019-ka, waxana ay wax naga weydiiyeen halka aannu ka taagannahay inay doorashadu dhacdo, waxana aannu u sheegnay mawqifkayagii ahaa inaanay doorashadu sannadkan 2019-ka dhaafin.”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS