Kulmiye oo Iska Difaacay Dhalliilo Uga Yimi Xisbiyadda Mucaaridka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulmiye oo Iska Difaacay Dhalliilo Uga Yimi Xisbiyadda Mucaaridka
March 26, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa difaacay khudbad sannadeedkii uu Madaxwayne Muuse Biixi ka jeediyay fadhi ay iskugu yimaadeen labada gole ee baarlamaanka Somaliland.

Gudoomiye Axmed Cabdi dheere oo la hadlayay warbaahinta, ayaa sheegay inaanay lahayn khudbadii madaxwayne Muuse Biixi meel la dhaliilo

“Khudbadii Madaxwaynaha ee khudbad sanadeedka ahayd Madaxwaynuhu waxa uu yimid wakhitgeedii waanu jeediyay, waaxaanu kaga hadlay wixii uqabsoomay mudadaa sannadka ah iyo mustaqbalka waxa uu damacsanyahay, waxaan arkayay xisbiyada mucaaradka ah oo ka hadlayay dhaliilayayna Khudbadaa, wax la dhaliilana may ahayn” ayuu yidhi.

“khudbad sanadeeda dastuuriga ahna masoo qoraan xisbiyada mucaaradka ah iyo Baarlamaankutoona, mana laha iyagu ee madaxwaynahaa leh, madaxwaynuhuna wakhigeedii ayuu soo qoray waxanu kaga hadlay arimo badan oo uu kamid yahay wax qabadkii la soo qabtay iyo haday tahay wax soo socda ee la qabanaayaba, waaxana filayaa meel laga dhaliilo inaanay lahayn khudbadaasi”.ayuu intaasi ku daray.

Labada Xisbi mucaarad iyo qaybo kamid ah bulshada ayaa dhaliilay khudbad sanadeedka Madaxwayne Muuse Biixi jeediyay todobaadkan.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay inaanu Madaxwayne Muuse Biixi kaga hadal Khudbad sanadeedka arimo imika taagan sida waxa laga yeelayo Golaha Deegaanka oo wakhtigii loogu talagalay inay xilka hayaan gabaabsi yahay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS