Xildhibaanada Golaha Deegaan Borama oo Madaxweynaha Ka Dalbaday In Uu Kala Diro Goleyaasha Deegaanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada Golaha Deegaan Borama oo Madaxweynaha Ka Dalbaday In Uu Kala Diro Goleyaasha Deegaanka
March 11, 2019 - Written by Reporter:

Borama (WJN)- Iyadoo Xildhibaanadda goleyaasha degaanka Somaliland la doortay dabayaaqadii sanadkii 2012-kii, iyadoo muddo xileedkoodu kuna ku eekaa dhamaadkii sanadkii 2017-kii.

Hase yeeshee hal mar ayaa golaha Guurtidu muddo kordhin ahayd sanad iyo badh ay u sameeyeen. Taasoo ku eeg bisha April ee sanadkan aan ku jirno.

Waxaana mudooyinkanba aad loo hadal hayay in mar kale loo kordhin doono iyo in kale, inkastoo ay taas ku lamaan tahay hadal hayn kale oo ah in Madaxweynuhu uu kala dirayo goleyaasha degaanka dalkoo dhan.

Hadaba waxaa markii u horaysay arrintaasi ka hadlay xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Boorama, kuwaasoo iyaga laftoodu Madaxweynaha Somaliland ka dalbanaya in la kala dirro, maadaama oo muddo xileedkoodii iyo dheeraadba ay ku darsadeen.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS